Shirkii wasiiradda maaliyadda ee Muqdisho oo "lagu kala kacay"

Image
Talaabadan ayaa saameyn weyn waxay ku leedahay xiriirka dowladda federaalka iyo maamulada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkii u dhaxeeyay wasiiradda maaliyadda dowlada federaalka iyo maamuladda ayaa lagu kala kacay, sidda ay Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Dhinacyadda ayaa, sidda ay xogta muujineyso, waxay isku qabteen qaabka loo qeybsanayo lacagta $100 milyan ee ka timid Bangiga Aduunka iyo qoondada ay yeelanayaan dowlad goboleedyadda.

Qof kamid ah qaban-qaabiyeyaasha kulanka ayaa u sheegay warsidaha GO in maamuladda ay ku taagan yihiin qoondadii Hore ee 60/40, iyada oo dowladda Dhexe ay qaadan jirtay qoondo cusub oo ah 40/40.

"Inta uu shirku socdey, wasiirka maaliyadda federaalka ma uusan muujin wax tanaasul isaga oo u muuqdey in uusan kala jeclayn in uu hagaago xiriirka wadashaqeyneed," ayuu raaciyey shaqsigan.

Ruuxan oo sababo ku aadan shaqadiisa uga gaabsadey in lasoo xigto ayaa intaas ku daray in dowlad goboleedyadda ay ku goodiyeen in aysan dib dambe ula kulmin doonin wasiirka "illaa looga yeero".

Hab-dhaqanka wasiirka ayaa baalmarsan balanqaadkii madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in uu ka shaqeyn doono mudada uu xafiiska joogo aragti ku dhisan "Soomaali heshiis ah".

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 15-kii May, cilaaqaadka Villa Soomaaliya kala dhaxeeya maamuladda ayaa si weyn u hooseeyay sababo badan oo ay kamid tahay qaabka loo dhisay xukuumadda dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM