"Shuruuda kaliya" oo aad xil kaga qaban karto Nabad iyo Nolol

Image

GAROWE, Puntland – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sheegay "in uu macno beeleen" Xildhibaanada Soomaaliya ayaa soo bandhigay "shuruuda" lagu xiro xubnaha xilalka ka qabanaya Nabad iyo Nolol.

"Waxaa dhacday in ay macno beeleen hay'addihii dastuurkiga ahaa ee dowladda sidda labada Aqal ee baarlamaanka federaalka. Maxaa macno beeliyey?" ayuu is-waydiiyey isla markaana ka jawaabay.

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayuu hoosta ka xariiqay in aysan la xisaabtami karin xukuumadda federaalka.

"Maxaa yeelay waa la musuqmaasuqay. Waxaa loo muusqmaasuqay, horta todobaatameeyo iyaga kamid ah wasiiraa laga dhigay. Laba, jagooyinkii dowladda la magacaabayey waxaa lagu shardiyey in Xildhibaanada la siiyo ama dad ay iyaga keensadaan la siiyo," ayuu kashifay.

Xilalka uu tusaale ahaan u soo qaatay waxaa kamid ah; wasiiradda, safiiradda, taliyeyaasha iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir.

"Kuli waxaa qoorta si musuqmaasuq ah loogu xiray Xildhibaanka in la yiraahdo waxaaga keenso, laakiin waa in aad aamustaa adigana, marka dowladda awoodeeda ayaa loo adeegsadey in lagu aamusiyo Xildhibaanada oo danahoodii loogu xiray qoorta," ayuu ku adkeystay.

Sidda ku xusan qiimeyn badan oo la sameeyay, wasiiradda ra'iisul wasaare Khayre ayaa %70 waxay ka tirsan yihiin Goleyaasha Sharci-dejinta.

Qorshahaas ayaa lagu macneeyay xeelad cusub oo siyaasadeed, taasoo looga hortagayo mooshin lagu riddo madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha oo ka yimaadda laanta xeer-dejinta.

Balse waxaa la sheegay in ay taas meesha ka saartay isla xisaabtanka lama maarmaanka u ah dowlad-wanaaga iyo wax-is-dabamarinta si gaar ah fashilka ka jira ammaanka iyo wadashaqeynta maamuladda.

Dowladda Farmaajo oo hal sano uu kaga haray xilheynteeda ayaa la tilmaamay in ay wajaheyso waddo qodxo badan leh, taasoo go'aamin karta jihada uu waddanka u jeesanayo marka uu muddo xileedka ka idlaado madaxda.

MUUQAALKA SHAKUUR

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM