Shuute oo sharaxaad ka bixiyey xukun buuq badan dhaliyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabksa sidda Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sharaxaad ka bixiyay kiiskii xukunka dilka toogashada ee maalmihii u dambeeyay buuqiisa taagnaa, kaas oo qoyskii wiilkooda caddaalada u raadinayay ay sheegeen in loo xukumay qof aanan ahayn eedeysanihii dilka geystay.

Shuute ayaa sharaxay in Cabdinaasir Cusmaan Nuunoow lasoo qabtay isaga oo dhaawac ah oo saacado ka hor fal ka geystey bar koontarool oo ay ciidamada dowladda joogaan, markii la waraystayna uu qirtay falal badan oo uu Muqdisho ka geystay, isaga oo kusoo daray in uu ka dambeeyay falkii dhaawaca ee markii dambe u dhintey Maxamed Xaashi Faarax.

Shuute ayaa sheegay in baarayaasha kiiska ee CID-da iyo Dacwad Oogahaba ay soo xaqiijiyeen in dilka uu geystay Cabdinaasir Cusmaan Nuunoow, sidaasi awgeedna xabsiga laga siidaayay askarigii Taraafikada ee lagu tuhunsanaa falka dilka.

"Sababta loo xirey askariga waxa ay ahayd maadaamaa uu ahaa qofka kaliya ee hubeysan ee ka tirsanaa kooxdii taraafikada ee falka lagu eedeeyay, inta baarista socotay ayuuna xabsiga ku jirey, waana nidaam noo degsan," ayuu yiri Shuute oo ka jawaabayay sababta loo xirey askariga, Cabdi Maxamed Amiin mar haddii uusanba isaga geysan falka dilka ah.

Farogalin ba’an

Shuute ayaa sheegay in askarta taraafikada uu ku doodey in lasoo weeraray, iyagana aysan ridin wax xabbad ah. Lama oga sidda ay suurtogalka ku tahay in ciidan lasoo weeraray aysan xabbad ridin.

Maxkamadda ayuu tibaaxay in aysan quseynin wax ay ku wada heshiiyeen beelo Soomaaliyeed. Isaga oo dabcan ka jawaabayay waxa uu ka dhahayo wadaxaajoodkii dhexmaray beesha wiilka laga diley uu ka dhashay iyo tan askariga uu ka dhashay.

Bulshadda Soomaaliyeed, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ayuu si kulul u canaantey, wuxuuna ku eedeeyay in ay iyaga farogalin ba’an ku hayaan garsoorka dalka.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Shuute ayaa dhaliyay su’aalo ka badan inta hadda jawaabahooda la heley, waxaana durba soo baxay daldaloolo waaweyn oo kiiskani ku aaddan.

Daldaloolada Kiiska

Guddoomiyaha ma uusan soo hadal qaadin marqaatiyadii 9-ka ahaa ee ehelada wiilka la dilay ay sheegeen in ay arkayeen wixii dhacay, maxkamaddana qiraal ka sameeyeen.

Waxyaabaha durba soo baxay ayaa ka mid ah in aysan jirin wax diidaya in Cabdinaasir Cusmaan Nuunoow uu qirto dilka marxuumka mar haddiiba lagu hayo kiisas kale oo dil ah, kuwaas oo ciqaabtooda tahay dil uun, haddii ay jiraan abaalmarino uu ku badelanayo oo qoyskiisa ka faa’iideysanayaan, waa sida dadka qaar ay tuhunka galinayaane.

Ma cadda sababta maxkamadda ay odayaasha beesha askariga ugu tixgalin weysay marqaatiyaal mudan in kiiska wax laga weeydiiyo mar haddiiba ay galeen xaajada markii uu marxuumka dhaawaca ahaa.

Tani waxaa lagu ogaan lahaa sida ay ku dhacday in ay aqbalaan in wiilkooda uu falka dhaawaca ah geystay, taas oo kaliya ku iman karta in askariga laftiisa uu beeshiisa u qirtay in uu isaga rasaasta ridday. Kiiskan waxaa laga yaabaa in uu galaafto nidaamka cadaaladda Soomaaliya oo horey loogu eedeeyay musuqmaasuq iyo laaluush qaadasho ba'an.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM