Madaxda cusub fursad ma u badali karaan caqabadaha horyaala?

Image
Mudanaha ayaa soo jeediyay in dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada ay tahay in uu dhex maro xiriir joogto ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka tirsan Baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya  ayaa sheegay in dowladda Cusub ay yeellan doono “ fursado badan oo ay ku xaliso caqabadaha horyaala dowladnimada Soomaaaliya oo soo jiray in ka badan 30.

Xildhibaan Mursal Maxamed Khaliif oo ka hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan fursado ay tahay in ay ka faa’iidaysato dowlada cusub sida ay u abuurto kalsooni iyo shacabka Soomaaliyeed ay helaan daganaasho buuxda.

"Fursadaha ay yeelan doonto dowladda cusub waxay ka dhalan doonan sida ay u xaliso caqabadaha horyaala".ayuu cadeeyay xildhibaanka oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

“Runtii caqabadaha iyo fursadaha waa ay badanyihiin, waxaa dhab ah in furdadu ay ka dhalanayaan caqabadaha jira” ayuu yiri Xildhibaanka oo sidoo kale bogaadiyay isbadalka ku dhacay hoggaanka dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya mudnaanka 1aad ay u leedahay amniga dalka isaga oo sidoo kale cadeeyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu soo bandhigay qodobo ay tahay in horutabin la siiyo si kor loogu qaado shaqada hay’adaha dowladda.

Mudanaha ayaa soo jeediyay in dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada ay tahay in uu dhex maro xiriir joogto ah iyada oo cashir laga baranayo waxa ay ku kala tageen Farmaajo iyo madaxda dowlad-goboleedyada dalka.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay qorshihiisa 100-ka Maalmood ee u horeysa iyo howlaha hortabinta leh ee dowladiisu qabaneyso.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay idaacada VOA-da ayaa sheegay in uu dalka ka dhaqan-geli doono tallaabooyin dhanka amniga ah, xasilooni siyaasadeed iyo dib u soo kabida dhaqaalaha dalka.

“Waxaa rabna 100-ka Maalmood gudahood in aan dib u eegis ku sameynay hay’addaha amniga, sharciyadooda oo aad u gaboobay. Waxaa rabna in aan heshiis guud oo dowlada iyo dowlad goboleedyada dhexmara oo lagu Federaaleynayo arrimaha muhiimka ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in arrimaha amniga ay muhiimad gaar ah siin doonaan, islamarkaana ay hirgelin doonaan qorshayaal kor loogu qaadayo amniga dalka, gaar ahaan midda caasimada.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inay sidoo kale dib u eegis ku sameyn doonaan qorshe looga gudbayo nidaamka doorashada dadban oo aan dhaqan-gelin, si looga gudbo doorashada dadban ee khilaafka badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM