Sidee amnigu u noqday qodobka ugu ‘adag’ ee horyaalla Golaha Wadatashiga Qaran?

Image
Xubno ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan Muqdisho, Soomaaliya, August 2012 [Sawir hore]

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Arbacada maant ah galaya maalinkii saddexaad, ayada oo uu horyaallo qodob ay adag tahay in heshiis laga gaaro oo la xiriira amaanka dalka xilliga kala guurka ah.

Garowe Online ayaa fahamsan in Xuseen Rooble wasiirka 1aad ee xukumadda xilgaarsiinta ah uu doonayo in shirka isku raaco in amniga dalka si buuxda loogu soo wareejiyo, haddii aanay taas dhicinna aanay dalka doorasho hufan ka dhici karin.

Qorshahaan ayaa Rooble ku dhashay ka dib kadib “isku daygii fashilmay” ee 27-ka December lagu qabsan lahaa xafiisiisa, taasi oo uu ku qeexay “afgambi,” kuna eedeeyey madaxweynaha xilka ka sii dagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Rooble ayaa waxaa sidoo kale arrintan ku cadaadinaya Midowga Musharaxiinta oo fahamsan in Farmaajo oo gacanta ku haya awoodda amniga iyo ciidanka dalka aysan dhici karin doorasho hufan.

Qoraal ay shalay soo saareen Midowga Musharaxiinta 4 Junuary 2022 ayay ku yiraahdeen “Waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa. 2- Sida uu dhigayo dastuurka KMG ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.”

Rooble ayaa rumeysan in haddii ay Golaha Wadatashiga Qaran ay qodobkan isku raacaan shuruudna uga dhigaan dhameystirka doorashada in ay hoggaamin karto in beesha caalamka ay cadaadis ku saarto Farmaajo inuu sidaas sameeyo.

Sida Garowe Online ogaatey, dalabka Rooble waxaa si wayn u diidan madaxda maamuladda ku xiran Villa Somalia oo ay ugu horeeyaan Cabdicasiis Laftagareen iyo Axmed Qoor sida ay GO u xaqiijiyeen ilo xikas ah oo diiday in aan magacooda xigano sababtoo ah looma ogola in ay hadlaan.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis ku saareysa madaxda ku shirsan Muqdisho inay jadwal la isku halleyn karo u sameeyaan xiliga lasoo afjaro doorashadda, maadaama horey loogu fashilmay jadwalladii la sameeyay sanadkii tagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Museveni uga wada hadleen kulanka Kampala?

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    07-02-2025

  • 03:28PM

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM