Sidee ayay shacabku uga fal-celiyeen qabashada Jeneraal Sheegow?

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya oo ah waddan horey ula daalaa dhacayey khatarta kooxaha argagixisada ah, ayaa dhawaan ka dhacday dhacdo banaanka usoo saartay kala qeybsanaan baahsan oo ka dhex jirta bulshada dhexdeeda, taasoo halis gelineysa dadaalka wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shalay waxaa fal aan sharciga waafaqsaneyn ku kacay Jeneraal ka tirsan ciidamada milateriga oo kasoo jeeda beel aan hubeysneyn.

Jawaabtu waxay ahayd mid degdeg ah oo naxdin leh, se la saadaalin karo. Waxaa laga xayuubiyay darajadiisi, waxaa la weeraray gurigiisa, xoog ayaana lagu xiray.

Mas’uuliin ka tirsan golaha baarlamaanka Federaalka iyo dowlad-goboleedyadaba, ayaa muujiyay dareenkooda ku aadan dhacdadan. Xildhibaan Dahabo Suusow ayaa tiri: “In guriga nin Janaraal ah la iska weeraro oo kulleetiga lagasoo qabto waxaan u aragnaa Midab takoor.”

Sidoo kale, Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta ee Hirshabeelle Cabdishakuur Shaashaa oo si kulul uga hadlay dhacdadan ayaa sheegay: 

“Jeneraalka waxa uu mudnaa in la maamuuso, amnigiisana la ilaaliyo ee ma uusan mudneyn wixii xalay dhacay, waxa uu qeyb ka ahaa Xureynta Deegaano dhaca Gobolada Hiiraan, Shabellaha dhexe iyo Shabellaha hoose.”

Dhacdadani waxa ay hoosta ka xariiqday xaqiiqo murugo badan leh – isla xisaabtanka Soomaaliya waxaa inta badan lagu go’aamiyaa xoogga deegaanka uu qofka kasoo jeedo.

Kuwa ka soo jeeda deegaanada cududa ciidan leh waxay inta badan ka baxsadaan cadaalada, halka kuwa ka soo jeeda qabaa'ilka aan hubaysnayn ay la kulmaan cawaaqib xumo.

Dhacdadan ayaa kicisay muran badan oo dhanka baraha bulshada ah. Siyaasiyiinta ka soo jeeda Beelaha laga tira badanyahay ayaa si cad ugu hanjabaya inay hub qaadan doonaan si ay uga jawaabaan cadaalad-darradan weyn ee ka dhex jirto bulshada iyo dowladdaba.

Khilaafkan ma iman karayn wakhti ka sii daran. Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab waxa uu u baahan yahay midnimo iyo wadashaqeyn ka timaada qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kala qaybsanaan kasta, gaar ahaan mid salka ku haysa caddaalad-darrada bulshada, waxay wiiqaysaa awoodda ummaddu u leedahay inay si hufan ula dagaallanto khatarta argagixisada.

Soomaaliya waxay taagan tahay isgoys. Al-Shabaab si looga adkaado, waxaa lama huraan ah in dowladda iyo shacabkeeda ay ka gudbaan kala qeybsanaanta qabaa’ilka oo ay wax walba ka hormariyaan cadaaladda iyo midnimada.

Haddii taas la yeeli waayo waxay khatar gelinaysaa ma ahan xasilloonida qaranka oo keliya, balse awoodda ay dawladdu u leedahay inay ka hortagto caqabadda adag ee argagixisadu ka yimaada. Marka laga hadlayo xag-jirnimada, Soomaaliya oo midaysan maaha kaliya door-bid; waa lama huraan buuxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo $1.5 million ku bixiyay Shirka Switzerland

Kharashka safarada joogtada ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sababay walaac ku saabsan mas'uuliyad xumida iyo isla-xisaabtan la'aanta.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 08:21AM

Ahmed Madobe oo Nairobi kawada kulamada safiirada Beesha Caalamka

Safarka Axmed Madoobe ee Kenya ayaa ka caraysiiyay dowladda Soomaaliya, maadaama xanibaadii socdaalka socon waysay.

  • Soomaliya

    20-01-2025

  • 05:05PM