Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Image

BALAD-XAAWO (GO)- Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya in ciidamada taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmadaas kadib xal siyaasadeed iyo mid qabali ah oo lagu gaaray gudaha magaalada.

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay in isbedelka maamulka magaalada uu yimid kadib markii heshiis lagu gaaray in maamulka magaalada lagu wareejiyo Cabdirashiid Janan, taliyaha cusub ee NISA ee u qaabilsan gobolka Gedo, kaasoo dhawaan ay Dowladda Federaalka si rasmi ah ugu magacowday xilkan.

Janan, oo kasoo jeeda deegaanka Beled-Xaawo, ayaa la sheegay inuu la galay wadahadal beesha ay ka soo jeedeen ciidamadii taageersanaa Jubaland, kuwaas oo horey gacanta ugu hayey degmada balse markii dambe oggolaadey isbeddel siyaasadeed ee ka dhacey Beled-Xaawo. 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada ciidan ee is-hor fadhiyey — kuwa Dowladda Federaalka iyo kuwa loo aqoonsanaa garabka Jubaland — ay labaduba kasoo jeedeen beel ka mid ah beelaha daga gobolka Gedo, taasoo fududeysay in la gaaro wadahadal.

Beesha uu kasoo jeedo garabkii Jubaland ayaa la sheegay inay cabasho ka muujiyeen Cabdirashiid Janan, iyagoo ku eedeeyey in intii uu ka talinayey Beled-Xaawo uu dad badan ka laayey. Si kastaba, wadahadalka dhexmaray ayaa horseeday heshiis ah in Janan bixiyo mag lacageed, taasoo la sheegay inuu si rasmi ah u guddoonsiiyey beeshaas, si looga fogaado dagaal sokeeye.

Magaalada Beled-Xaawo ayaa muddo dheer ahayd meel lagu muransan yahay oo marar badan ay ka dhacaan iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamada Jubaland iyo kuwa Dowladda Federaalka, iyadoo sidoo kale ay jiraan taliyaal ciidan oo deegaanka u dhashay oo mararka qaar u isku dhacyo sameeya kuwaas kala taageera dhinac- yada dsiyaasada Soomaaliya.

Dowladda Jubaland weli kama aysan hadlin dhacdadan cusub ee ah in magaalada laga wareejiyey ciidamadoodii ama maamulka ay wateen.

Garowe Online ayaa sii wadaya la socodka xaaladda Beled-Xaawo, waxaana tafaasiil dheeraad ah laga sugayaa labada dhinac ee ku lugta leh isbeddelkan milateri iyo siyaasadeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM