Sirdoonka Jubaland oo qabtey nin ku lebisnaa dhar dumar

Image
Image
Image
Image

February 12, 2015 (GO)- Ciidamada nabad-sugidda ee Jubaland ayaa magaalada Kismaayo kusoo bandhigey nin dhallinyaro ah oo ku lebisnaa dharka dumarka kaasoo la sheegay in uu ka tirsan yahay ururka Al-shabaab.

Taliye ku-xigeenka ciidamada nabad-sugidda Jubaland Nuur Gaas oo shir-jaraa'id qabtey ayaa sheegay in ninkan oo da'diisu 20 jir tahay lasoo qabtey isagoo ku dhex jirey hawgal basaasnimo ah.

Ciidamo ka tirsan booliska oo ka shekiyey ninka una haystey markii hore qof dumar ah ayuu taliyuhu sheegay inay daba galeen balse ninka ayaa cararay markii uu dareemay in qorshihiisa la ogaadey inkastoo muddo kooban kadib gacanta lagu soo dhigey.

Waa markii ugu horreysey ee ciidamada Jubaland  qabtaan xubin ka tirsan Al-shabaab oo kusoo lebistey dharka dumarka si aan loo aqoonsan.

GAROWE ONILINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM