Sirdoonka Soomaaliya iyo Itoobiya oo "ku heshiiyey" is-dhaafsiga xogta

Image
Image
Image
Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay isla qaateen in ay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasimaha Sirdoonka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa dhigiisa Itoobiya, Temesgen Tiruneh Dinku, wuxuu kula heshiiyey is-dhaafsiga macluumaadka, kawada-shaqeynta la dagaalanka Shabaab iyo in ay isku-aragti ka noqdaan xasiloonida gobolka.

Heshiiskan ayaa kasoo baxay kulan ay labada dhinac Jimcada maanta ah ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, sidda ku cad war-saxaafadeed kasoo baxay qeybta warfaafinta NISA.

HOOS KA DAALACO BAYAANKA

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya iyo Ethiopia oo ku heshiiyey inay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Ethiopia (NISS) Mudane Temesgen Tiruneh Dinku ayaa maanta heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay, in labada sirdoon ee NISA iyo NISS, ay yeeshaan wada shaqeyn ku qotonta is dhaafsiga xogaha muhiimka ah iyo xoojinta dagaalka wada jirka ah ee lagu hayo kooxaha Argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa tilmaamay in heshiiskan uu yahay mid macno u leh labada dal ee dariska ah iyo sidoo kale ammaanka bariga Afrika.

Labada sirdoon ee Soomaaliya iyo Ethiopia oo dareensan muhiimadda ay labada wadan u leedahay ciribtirka kooxaha Argagixisada ayaa muujiyay sida ay uga go’antahay in ay horseed u noqdaan in Argagixisada laga sifeeyo Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Mudane Abiy Ahmed ayaa horay kulan ay ugu yeesheen magaalada Addis Ababa isku raacay xoojinta iskaashiga dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka Aragagixisada.


Itoobiya ayaa kamid ah wadamadda saameynta ku leh Soomaaliya balse sanadihii lasoo dhaafay ay aad u dhaliilsanaayeen kooxda haatan taladda waddanka haysa ee uu hogaamiyo madaxwayne Xasan Sheekh. Heshiiskan ayaana loo arkaa mid meesha looga saarayo madmadowgaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mas’uul Sare oo ka socota Qaramada Midoobay oo soo gaartey Muqdisho

Rosemary DiCarlo waa Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Siyaasadda iyo Dhismaha Nabadda.

  • Soomaliya

    17-10-2024

  • 12:10PM

Farmaajo oo Xasan Sheekh ugu baaqay inuu maamulada u fasaxo doorashada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa horey u damcay muddo kororsi, xiligaas oo uu diiday in Madaxweynaha Jubaland qabto doorasho.

  • Soomaliya

    17-10-2024

  • 04:32AM