Siyaasadda Dibadda ee Soomaaliya: Jahawareer, Ma Daneysi Mise Khibrad La’aan?
MUQDISHU- Tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka qabtay bishii May 2022, siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxay wajahday caqabado waaweyn oo muujinaya is-waafaq la’aan iyo aragti diblomaasiyadeed oo aan fogeyn. Dowladda Federaalka ayaa qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo xiriirrada caalamiga ah, hase yeeshee tallaabooyinkaas ayaa noqday kuwo is-burinaya, jahawareer abuuray, isla markaana muujiyay biseyl la’aanta hoggaaminta siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.
Xiisad siyaasadeed oo weyn ayaa ka dhalatay heshiiskii is-fahamka ahaa ee Somaliland iyo Itoobiya, taasoo Soomaaliya ku qasabtay inay si toos ah dagaal siyaasadeed ugu qaado Itoobiya iyadoon adeegsan hannaan diblomaasiyadeed oo xal waara lagu gaari karo. Halkii arrintan loo maarayn lahaa aragti istiraatiijiyad fog oo la tixgelinayo xuduudka dheer ee ay Itoobiya la wadaagto Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamadeeda gudaha dalka, Dowladda Federaalka waxay si degdeg ah ugu dhaqaaqday raadinta isbahaysi ciidan oo ay la gasho Masar, taasoo abuurtay khilaaf cusub oo Itoobiya ka dhan ah.
Heshiiska saddex-geesoodka ahaa ee Asmara, oo ay ku wada saxiixdeen Madaxweyne Xasan Sheekh, Abdel Fattah El-Sisi, iyo Isaias Afwerki, ayaa sii xoojiyay muuqaalka isbahaysiga Masar iyo Eritrea, taasoo abuurtay xiisad cusub oo welwel galisay dalal badan oo daneeya arimaha Soomaaliya.
Dalka Masar, oo xiriir soo jireen ah la lahaa Soomaaliya balse saaxadda siyaasadeed ka maqnaa intii burburka uu dalku ku jiray, ayaa ah mid dad badan u arkaan mid daneysi ah oo salka ku haya dagaalka webiga Nile ee uu Itoobiya kula jiro. Taas beddelkeeda, Soomaaliya waxay qaaday tallaabooyin aan laga fiirsan oo ay ku abuurtay khilaafyo cusub, iyadoo aysan muuqan aragti diblomaasiyadeed oo ku saleysan danaha qaranka.
Iyadoo muranka gobolka uu sii xoogeystay, Turkiga – oo ah saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya dhinacyo badan kala shaqeeya – ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku cadaadiyay inuu heshiis la galo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Heshiiskan ayaa Itoobiya u suurageliyay inay qayb ka noqoto qorshaha nabad-ilaalinta marka uu dhammaado howlgalka ATMIS, sidoo kalena uu Itoobiya siiyay xuquuq marin badeed oo aan horey u jirin. Tani waxay meesha ka saartay ballanqaadyadii dowladda Soomaaliyeed ay shacabka u sheegtay, taasoo dhalisay caro iyo jahwareer gudaha ah. Heshiiskan ayaa sidoo kale carqalad ku nqodey isbaheysigii cusbaa ay Soomaaliya kula jirtay Masar iyo Eritrea, taasoo ku qasabtay Soomaaliya inay mar kale wufuud u dirto Qaahira iyo Asmara si ay ugu sharaxdo heshiisyada cusub ee Ankara.
Turkiga, oo ah dal istiraatiijiyad fog ka leh Soomaaliya kaasoo welwelkiisa wata, ayaa saameyn weyn ku leh sidoo kale Itoobiya. Ankara iyo Qaahira, oo muddo saaxiibo aan wanaagsaneyn ahaa tan iyo markii Siisi xilka ka tuuray Morsi, ayaa xiriirkooda sii cakirnaa, taasoo saameynteeda ku yeelatay siyaasadda Soomaaliya ee gobolka.
Jahwareerka siyaasadeed ee dhacay tan iyo intii la saxiixay heshiiska Ankara waxaa kamid ah in Soomaaliya wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda u dirtay Itoobiya. Intii wafdigaasi ku sugnaa Addis Ababa, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ku eedeynaya ciidamada Itoobiya inay dileen ciidamo Soomaaliyeed oo ku sugnaa magaalada xuduudda ku taalla ee Doolow. Eedayntaas waxaa si degdeg ah beenisay Itoobiya, taasoo abuurtay xiisad cusub oo diblomaasiyadeed.
Go’aamada is-burinaya ee is-daba-joogga ah waxay hoosta ka xarriiqayaan sida Dowladda Federaalka aysan wali u dejin aragti cad oo ku aaddan xiriirka diblomaasiyadeed. Hal dhinac, Soomaaliya waxay isku dayaysaa inay ku qanciso Masar iyo Eritrea inaysan ka bixin isbahaysigooda, halka dhinaca kale ay la galeyso heshiisyo Itoobiya u fududeynaya damaceeda gobolka. Arrimahan ayaa muujinaya biseyl la’aanta hoggaaminta siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, taasoo dalka ku ridaysa xaalad adag oo u baahan xal waara.
Tallaabooyinka siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sidoo kale keenay walaac shacab oo ku aaddan habka go’aamada muhiimka ah lagu gaaro. Dad badan ayaa rumeysan in Soomaaliya aysan si wanaagsan u adeegsan karin booska istiraatiijiga ah ee gobolka, iyadoo aan tixgelin la siinin saameynta fog ee go’aamada diblomaasiyadeed.
Iyadoo ay jirto in siyaasadda arrimaha dibadda ay hoggaaminayaan koox uu madaxweynaha Soomaaliya ugu horreeyo, ayaa haddana lagu eedeynayaa in jahawareerkan uu salka ku hayo dano shaqsiyeed. Xeeldheerayaasha ayaa ku talinaya in Dowladda Federaalka ka shaqeyso sidii ay u dejin lahayd aragti mideysan oo ku saleysan danaha qaranka. Waxaa muhiim ah in Soomaaliya ka dheeraato inay noqoto meel ay ku hardamaan quwadaha gobolka, iyadoo loo baahan yahay siyaasad hufan oo diblomaasiyadeed oo u horseedi karta xasillooni iyo mustaqbal wanaagsan.
GAROWE ONLINE