Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Image

Muqdisho, 03 November 2025 – Soomaaliya ayaa ku baaqday in si nabdoon oo siyaasadeed lagu dhameeyo khilaafka ka socda dalka Sudan, iyadoo tilmaantay in dalkaasi uu u baahan yahay midnimo iyo xasillooni si uu u sii jiro, kaddib bilihii ugu dambeeyay ee dagaallada rabshadaha wata ee ka dhacay dalkaas Waqooyiga Afrika.

Ali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay nabad ku wada noolaanshaha Sudan, isagoo tilmaamay in colaadaha ka socda dalkaasi ay khatar ku yihiin gobolka.

Wasiir Cali Balcad ayaa arrintan ka sheegay kulan uu la yeeshay Safiirka Sudan ee Soomaaliya, Abdulrahman Khalil Axmed Abakr Afandi, isagoo ku adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Sudan xilligan rabshadaha iyo xaaladaha bani’aadamnimo ee saameeyay meelo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalada El Fasher.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal walaalaha ah, iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan. Labada dal, Sudan iyo Soomaaliya, labaduba waxay wajahayaan xasilooni darro, iyadoo dhaqaalahooda uu mararka qaarkood hakad galay.

Wasiirka iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher, halkaas oo gargaarka bani’aadamnimo uu si xadidan u gaarayo shacabka. Waxa kale oo ay falanqeeyeen xaaladaha amniga, siyaasadda, iyo xuquuqda aadanaha, iyaga oo ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta rayidka iyo hubinta in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.

Cal Balcad ayaa ku celiyay in Soomaaliya ay taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida, iyo xasilloonida Sudan, isagoo xusay in xal nabdoon iyo mid siyaasadeed uu yahay mid muhiim u ah sugidda xasillooni iyo amni waara oo dalkaas ka dhaca.

Sudan wali kama soo kaban kacdoonkii shacabka ee meesha ka saaray Omar el-Bashir, iyadoo milatarigu uu maamulka dalka gacanta ku hayay. Si kastaba ha ahaatee, milatariga ayaa si joogto ah lagula dagaallamayaa Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah koox paramilitary ah oo isku dayaysa inay maamusho dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM