Soomaaliya oo Ku Baaqday Xal Nabad Ah oo Lagu Dhameeyo dagaalka Sudan

Image

Muqdisho, 03 November 2025 – Soomaaliya ayaa ku baaqday in si nabdoon oo siyaasadeed lagu dhameeyo khilaafka ka socda dalka Sudan, iyadoo tilmaantay in dalkaasi uu u baahan yahay midnimo iyo xasillooni si uu u sii jiro, kaddib bilihii ugu dambeeyay ee dagaallada rabshadaha wata ee ka dhacay dalkaas Waqooyiga Afrika.

Ali Maxamed Cumar, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay taageersan tahay nabad ku wada noolaanshaha Sudan, isagoo tilmaamay in colaadaha ka socda dalkaasi ay khatar ku yihiin gobolka.

Wasiir Cali Balcad ayaa arrintan ka sheegay kulan uu la yeeshay Safiirka Sudan ee Soomaaliya, Abdulrahman Khalil Axmed Abakr Afandi, isagoo ku adkeeyay in Soomaaliya ay garab taagan tahay shacabka Sudan xilligan rabshadaha iyo xaaladaha bani’aadamnimo ee saameeyay meelo ka mid ah dalka, gaar ahaan magaalada El Fasher.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal walaalaha ah, iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan. Labada dal, Sudan iyo Soomaaliya, labaduba waxay wajahayaan xasilooni darro, iyadoo dhaqaalahooda uu mararka qaarkood hakad galay.

Wasiirka iyo Safiirka Sudan ayaa sidoo kale ka wada hadlay arrimaha bani’aadamnimo, gaar ahaan xaaladda El Fasher, halkaas oo gargaarka bani’aadamnimo uu si xadidan u gaarayo shacabka. Waxa kale oo ay falanqeeyeen xaaladaha amniga, siyaasadda, iyo xuquuqda aadanaha, iyaga oo ku adkeeyay muhiimadda ilaalinta rayidka iyo hubinta in gargaarka la gaarsiiyo dadka u baahan.

Cal Balcad ayaa ku celiyay in Soomaaliya ay taageersan tahay midnimada, madax-bannaanida, iyo xasilloonida Sudan, isagoo xusay in xal nabdoon iyo mid siyaasadeed uu yahay mid muhiim u ah sugidda xasillooni iyo amni waara oo dalkaas ka dhaca.

Sudan wali kama soo kaban kacdoonkii shacabka ee meesha ka saaray Omar el-Bashir, iyadoo milatarigu uu maamulka dalka gacanta ku hayay. Si kastaba ha ahaatee, milatariga ayaa si joogto ah lagula dagaallamayaa Ciidanka Taageerada Degdegga ah (RSF), oo ah koox paramilitary ah oo isku dayaysa inay maamusho dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM