Siyaasi lagu qarxiyay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho

Image
Waa falkii ugu horeeyay oo liddi ku ah amniga tan iyo markii la doortey madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan uu duhurnimadii maanta ka dhacay xaafad ka mid ah degmada Dharkiinle ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka amniga ah.

Qaraxaasi oo dhawaqiisa si weyn looga maqlay qaybo kamid ah magaala madaxda ayaa wararka waxay intaas ku darayaan in lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin nooca uu ahaa qaraxa, balse warbixinadda qaar ayaa intaas ku daraya inuu ahaa miino dhulka lagu aasay. Dowladda wali wax war ah kama soo saarin.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in siyaasigan uu ka soo baxayay Masaajid uu kusoo tukaday salaadda khudbadda Jimcaha xilliga qaraxa lala beegsaday.

Warsidaha Garowe Online ayaa la hadlay dhowr sarkaal oo kamid ah booliska Soomaaliya si ay faahfaahin uga hesho qaraxa, balse weli nooma suurtagalin inay ka jawaabaan.

Illaa haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Balse, dhacdooyinka noocaan ah waxaa looga bartey maleyshiyadda argagixisadda ah ee Al-Shabaab.

Qaraxaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca caasimadda tan iyo markii la doortey madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, oo wali ku mashquulsan dhismaha dowladdiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM