Siyaasi reer Nigeria ah oo tusaale xun u soo qaatay Soomaaliya

Image
Hadalkan ayuu sheegay isaga oo isku-dayaya in uu dadkiisa uga digo khatarta kooxaha argagixisada.

ABUJA, Nigeria - Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Aqalka Sare baarlamaanka Nigeria ayaa meel uga dhacay Soomaaliya isaga oo isku-dayaya in uu dadka dalkiisa uga digo khatarta uga soo fool leh argagixisadda.

Ike Ekwerenmadu ayaa, sida uu kasoo xigtey bogga INDEPENDENT NIGERIA, wuxuu sheegay in Nigeria ay noqon karto sida Soomaaliya oo kale "haddii uusan caalamka ka taageerin ciribtirka argagixisada".

Ekweremadu wuxuu sidan ka sheegay Talaadadii khudbad ciwaankeedu ahaa "Khibradda Dimuqraadiga ee Nigeria: Milicsiga Qoritaanka Hoggaaminta iyo Dhismaha Hay'adaha Dimuqraadiga".

Madasha uu ka jeediyey khudbadan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Machadka Qaranka ee Sharci-dejinta iyo Dimuqraadiga (NILDS) waxaana kulankan uu ka qabsoomay magaala madaxda dalkan ee Abuja.

"Nigeria waqti xaadirkan hoos ayay u sii socotaa. Dhamaanteena qeyb ayaan ka nahay eedeynta. Ma jirto qof iska diidi kara in uu ku lug leeyahay. Sanadihii lasoo dhaafay waxaan sameynay garasho xumo," ayuu yiri.

Shacabka dalkiisa ayuu cod dheer ugu qaylo-dhaamiyey in ay kala shaqeeyaan laamaha ammaanka sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisadda oo khatar ba'an ku haayo amniga dalka ugu dadka badan Afrika.

Kooxda Boko Haram ayaa ah halista ugu ballaaran ee amniga qarankan, halka Soomaaliya ay wajaheyso weeraro arxan daran oo kaga imaanaya Al-Shabaab oo ah xulafada ugu weyn qaaradda ee kooxda Al-Qaacidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM