Siyaasiyiinta oo lagula taliyay in ay waqti siiyaan dowladda cusub

Image
Loolankan ayaa waxa uu ka dhashay israsaasayn dhexmartay hay’ado kala duwan oo amniga ka tirsan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Hodan Xasan oo ka hadashay Garowe Online Twitter Space ayaa ku talisay in "Dowladda cusub ee madaxwayne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Xamza la siiyo fursad oo aan horey looga bilaabin mucaaradnimo".

“Hadii qalad ka dhaco uma baahnin in aan taageerno balse fursad la siiyo” ayay ku talisay Xildhibaan Hodan oo sheegtay in Soomaalida ay ku badanyihiin qalbi la kaca oo marka hore ay saa’id u taageeraan dowladda ka dibna ay ka soo horjeestaan.

“Waxaan rajaynaa in dowladaan ka badalnaato tii hore oo ay hagaajiso xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada si dalku horay ugu socdo,” ayay ku talisay xildhibaanada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayay kula talisay in ay shacabka u jilicsanaadaan oo ay xoogga saaraan dib u dhiska dalkaan oo mudo dheer ku soo jiray colaado hubaysan iyo kala qayb sanaan bulsho.

Magacaabista Xamza ayaa loo arkaa inay meesha ka saari doonto dowlad kala qaybsan maadaama khilaaf xoogan uu ka dhexeeyay madaxweynihii iyo Ra’iisul wasaaraha xafiiska banaynaya Maxamed Xuseen Rooble.

Loolankan ayaa waxa uu ka dhashay israsaasayn dhexmartay hay’ado kala duwan oo amniga ka tirsan, waxaana ay ka mashquuliyeen dagaalka ay kula jiraan dagaalyahannada Al-Shabaab oo xiriirka la leh Al-Qaacida, kuwaas oo ka taliya dhul badan oo dalka ka tirsan, isla markaana tobanaan kun oo qof ku dilay weeraro.

Qalalaasaha siyaasadeed ayaa sidoo kale dareenka ka leexiyay xaalad degdeg ah oo bini'aadantinimo oo sii kordheysa oo ku qasabtay in ka badan lix milyan oo Soomaali ah inay ku tiirsanaadaan cunto gargaar ah.

"Waxaan u hambalyeynayaa ra'iisul wasaaraha cusub Xamza Cabdi Barre, waxaana u rajeynayaa guul," Rooble ayaa ku yiri faallo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Barre oo magaciisa si weyn loog faafiyay baraha bulshada ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin, ayaa bishii December ee sanadkan loogu codeeyay xildhibaan doorasho ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, iyadoo ay ka socotay doorashada baarlamaanka oo muddo dheer dib u dhac ku yimid.

Waxa uu ka soo shaqeeyey doorar badan oo dadwayne iyo mid siyaasadeedba 2011 ilaa 2017 waxa uu ahaa xoghaye guud ee xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP) oo horudhac u ahaa ururka Midowga Nabadda iyo Horumarka (UDP) oo uu hadda hoggaamiyo Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Booqashada Xamse ee Laascanood waa "Weerar" Ka Dhan ah Somaliland

Si kastaba ha ahaatee, madaxda Somaliland ayaa si joogto ah uga digaya in Soomaaliya ay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee Somaliland.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 09:24AM

Ciidamada Puntland oo Howlgallo Waaweyn kawada Buuraha Calmiskaad

Puntland ayaa muddo dheer ku guulaysatay inay ka hortagto kooxda ISIS iyo kuwa Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    20-04-2025

  • 08:59AM