Odawaa “Ahlusunna miiska wada hadalka ha yimaadaan"

Image

HOBYO- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa" oo shalay gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa ugu baaqay Ahlusunna inay nabadda qaataan oo yimaadaan miiska wada hadalka. 

Odawaa, wuxuu ka codsaday Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xusen Gulleed inuu culeyska saaro xalinta khilaafaadka, isla markaana wada-xaajood lafuro maamulka fadhigiisu yahay degmada Dhuuso-mareeb. 

“Madaxweyne waxaa kugu dhiira gelinayaa in culeyska la saaro arrinta Dhuusa-mareeb, gaar ahaan Ahlusuna intii aan dhisida Maamulka Galmudug ku jirnay wada hadal dheer la galnay, waxaa aaminsanahay in kuwa jooga Dhuusa-mareeb ay reer Galmuug yihiin, miiska wada hadalkana yimaadaan,”Ayuu yiri Odawaa. 

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay dhammaatay waqtigii qoriga wax lagu raadinayay, isagoo ugu baaqay culumaa’udiinka Ahlusunna wax kasta oo ay tabanayaan inay ku raadiyaan wada hadal. 

Hadalka wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa kusoo beegmay xilli muddooyinkii dambe socday muran u dhaxeeya labada maamul ee sheegta gacan ku haynta gobollada dhexe, waxaana dhawan maamulka Galmudug, dhaliileen safar gudoomiyaha Barlamanka Somalia ku tagay degmada Dhuuso-mareeb, iyagoo ku tilmaamay inuu carqalad ku yahay arrinta wada-xaajoodka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM