Odawaa “Ahlusunna miiska wada hadalka ha yimaadaan"

Image

HOBYO- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa" oo shalay gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug, ayaa ugu baaqay Ahlusunna inay nabadda qaataan oo yimaadaan miiska wada hadalka. 

Odawaa, wuxuu ka codsaday Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xusen Gulleed inuu culeyska saaro xalinta khilaafaadka, isla markaana wada-xaajood lafuro maamulka fadhigiisu yahay degmada Dhuuso-mareeb. 

“Madaxweyne waxaa kugu dhiira gelinayaa in culeyska la saaro arrinta Dhuusa-mareeb, gaar ahaan Ahlusuna intii aan dhisida Maamulka Galmudug ku jirnay wada hadal dheer la galnay, waxaa aaminsanahay in kuwa jooga Dhuusa-mareeb ay reer Galmuug yihiin, miiska wada hadalkana yimaadaan,”Ayuu yiri Odawaa. 

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay dhammaatay waqtigii qoriga wax lagu raadinayay, isagoo ugu baaqay culumaa’udiinka Ahlusunna wax kasta oo ay tabanayaan inay ku raadiyaan wada hadal. 

Hadalka wasiirka Arrimaha Gudaha, ayaa kusoo beegmay xilli muddooyinkii dambe socday muran u dhaxeeya labada maamul ee sheegta gacan ku haynta gobollada dhexe, waxaana dhawan maamulka Galmudug, dhaliileen safar gudoomiyaha Barlamanka Somalia ku tagay degmada Dhuuso-mareeb, iyagoo ku tilmaamay inuu carqalad ku yahay arrinta wada-xaajoodka. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM