Somali is qarxiyey oo ku nolaa dalka Switzerland

Image

BERN Jan 28, 2015 [GO]- Sirdoonka Switzerland ayaa baaraya ninkii toddobaadkii hore isku qarxiyey Hotelka SYL ee ku dhow madaxtooyada Villa Soomaaliya kadib markii hay'ada nabad sugida Somalia sheegeen inuu haystey aqoonsi Swizz ah.

Afhayeen u hadashay sirdoonka Switzerland Carolina Bohren ayaa u sheegtay AP, in ay qirayso in ninkaasi uu ka soo tegay dalkooda 2013-kii. Isla markaasna uu haystay deganaansho KMG ah iyo document dhinaca socdaalka ah.

Waxay beenisay inuu lahaa dhalashada Switzerland. Afhayeen Carolina Bohren waxay sheegtay in ay baaris kadib shaacin doonaan magaciisa iyo macluumaad kaleba.

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa Khamiistii shaacisay magaca ninka is qarxiyey oo ay ku sheegeen Maxamuud Cismaan Jicmaale, sirdoonku waxay xuseen inuu isagu waday gaariga qaraxa laga soo buuxiyey ee galay SYL oo ay joogeen wefdi horudhac ah oo Turkiga ah.

GAROWEONLINE/AP

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM