Somalia: Dowladda oo ka hadashay xannibaadda wafdiga

Image

MUQDISHU- Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Somalia, ayaa looga hadlay dhacdadii dhawaan qabsatay wafdi uu hogaaminay Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid kuwaasi oo kusii jeeday dalka Turkiga balse lagu xannibay Nairobi.

Qoraalka kasoo baxay xukuumadda Somalia, ayaa lagu sheegay inay kaxunyihiin falkii dhacay, iyagoo kadalbaday Kenya raali galin iyo wixii kallifay in falkaasi lagula kaco wafdi heerkiisu sareeyo.

Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay dowladda Somalia oo qaabkan hoose u qornaa

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xuntahay dhacdadii ka dhacday garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, halkaas oo ay Transit ku ahaayeen wafdi uu hogaaminayay Ra´iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo ku wajahnaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si ay uga qeyb galaan shirka heerka sare ee wadatashiga Istanbul, (HLPF).

Inkasta oo wafdiga uu hogaaminayay Ra”iisul Wasaaraha, iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ay heleen soo dhoweyn heer sare ah (VIP Reception), haddana waxaa caqabad iyo dib u dhac la kulmay xubnihii kale ee wafdiga oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda.

Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Kenya, horay waxa ay u kala saxiixdeen heshiis is faham (MOU), kaasi oo dhigayay in xubnaha sare ee dowladda FS iyo xildhibaanada Baarlamaanka inay helaan ogolaansho dal ku gal waqti kasta (issuance of visas on arrival) mar kasta oo ay u safraan dalka Kenya, iyada oon dib u dhac laheyn, waxaase nasiib darro ah in dowladda Kenya ay jebisay heshiiskaasi.

Dowladda Federaalka Sooomaaliya, waxa ay ka sugeysaa hogaamiyeyaasha dowladda Kenya cudur daar rasmi ah iyo faah faahin la xiriirta dhacdadaasi iyo sababta keentay xanibaada wafdi heerkiisu sareeyo oo uu hogaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumada.

Gabagabadii, dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ka fekereysaa jawaabta ku haboon ee dhacdadaan.

Tallaabadan, ayaa timi xilli dowladda Kenya ciidamo nabad ilaalin ah kajoogaan Somalia islamarkaana uu jiro xiriir labada dhinac ka dhaxeeya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM