Somalia oo ku adkaysanaysa in khilaafka dhamayso Hague

Image

10 Octobar, 2015(GO)-War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliha guud ee Qaranka Somalia Axmed Cali Daahir, ayaa looga hadlay dacwadda Badda ee u dhaxaysa Somalia iyo Kenya.

Xeer ilaaliyaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Kenya ka werwersantahay in muranka biyaha lagu dhammeeyo qaab cadaalad ah, taasina cadaynayso inaysan sal iyo raad toonna lahayn arrimaha ay ku andacoonayaan.

Axmed ayaa rajo ka muujiyay dowladda Kenya inay u hoggaansanto shuruucda caalamiga ah, maadaama ka mid tahay dowladihii saxiixay, laguna yiqiin tixgelinta iyo dhaqan gelinta qawaaniinta caalamiga ah.

Xeer ilaaliyaha guud waxaa uu tilmaamay inay ku kalsoon yihiin in maxkamaddu gaari doonto go'aan ku saleysan caddaalad.

War saxaafadeedkan ayaa daba socda qoraal Dowladda Kenya si rasmi ah ugu diidey dacwadda la xiriirta badda Somalia  oo loog  gudbiyey maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya Githu Muigai ayaa ku sheegey dacwadda Somalia in ay tahay mid aan sharci aheyn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM