Somalia: Qof ku dhintay Roobab ka da'ay gobolka Baay

Image

08 November, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya gobolada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa sheegay inay ka da'een Roobab mahiigaan ah kuwaasi oo sababay dhimashada hal ruux oo biriq ama danab ku dhacay iyo dhaaca mid kale, kuwaasi oo ku sugnaa tuulada Buula Fuulay oo ka tirsan gobolka Baay.

Tiro xoolo isugu jiray Ari iyo Lo'o ayaa ku waxyeeloobay daadad uu sababay Roobkaasi, waxaana xiran wadooyin muhiim ah oo isku xira gobollada Bakool iyo Baay, sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan deegaanada waxyeelladu ka dhacday.

Arrintan, ayaa imaanaysa xilli lagu guda jiro waqti Roobaadka Dayrta, waxaana sannadkan dalka Somalia si wanaagsan uga hoortay nimcadda alle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM