Warmurtiyeed laga soo saarey kulankii Istanbul [AKHRISO]

Image

ISTANBUL, Turkey- Waxaa magaalada Istanbul lagu soo gabagabeeyey kulankii Somalida loogu qabtey Feb 23-24 kaasoo ay shir gudoominayeen madaxweynaasha labada dal Recep Tayyib Erdoğan iyo Xasn Shiikh Maxamud.

Kulankaan ayaa u qaybsanaa shirar lagaga hadlayo arrimaha dumarka, amniga, ganacsiga iyo dhalinyarada.

Warmurtiyeedka kulankan kasoo baxey ayaa lagaga hadlay qaabka doorashada Somaliya u dhaceyso sanadkaan dabayaaqadiisa, arimaha amniga iyo New Deal.

Wadahadalka Istanbul ayaa waxaa ka maqnaa maamulada Puntland iyo Somaliland.

Ra'isla wasaaraha Somalia oo saxaafada la hadley inta uu kulankaas socdey ayaa sheegey in Puntland shirka Istanbul ka qayb gashay isaga oo xusey in wasiir ka tirsan golaheeda xukuumada ku sugan yahay madasha shirka.

Dowlada Puntland ayaa beenisay in kulankaa ka qayb gashay balse qirtey in xubno ka tirsan golaheeda wasiirada ka qayb galayaan kulamo kale oo aan aheyn kuwa siyaasada.

Warmurtiyeedka kasoo baxey kulankaan oo ku qoran Afka ingriiska ayaa kooban 31 qodob. Hoos ka akhriso " waxaa uu ku qoran yahay Afka Ingriiska'.

COMMUNIQUE_Ministerial_High_Level_Partnership_Forum_Istanbul_23_24_February_2016.pdf

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM