​Somalia: Wasiir hore Gaashaandhigga oo Muqdishu lagu dilay

Image

MUQDISHU- Waxaa maanta qarax lagu xiray gaari lagu dilay ALLAHA u naxariisteen Muxiyaddiin Xasan Xaaji oo horay xilal kala duwan u soo qabtay dowladihii Somalia soo maray gaar ahaan xukumaddii Ra'isal wasaare Nuur Cadde. 

Muxadiin, ayaa hadda la sheegay inuu katirsanaa xisbiga siyaasadeed ee Kulan isagoo ku jiray golaha dhexe. 

Mas'uulka dhintay, ayaa lagu dilay Isgoyska KM4 ee magaalada Xamar, waxaana weerarkaasi ku dhaawacmay ruux kale oo gaariga la saarnaa.

Lama garanayo cidda falkaasi gaysatay, balse mudooyinkii dambe waxaa magalada Muqdishu, kusoo badanayay weerarada qorshaysan ee lagu beegsanayo mas'uuliyiinta iyo shacabka.

Ciidamo katirsan kuwa dowladda ayaa gaaray goobta weerarku ka dhacay, waxaana socda baaritaan kala duwan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM