​Somalia: Wasiirrada oo ansixiyay sharci

Image

MUQDISHU- Golaha wasiirada ee xukuumada Federaalka Somalia, ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay ku-simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Caddaaladda Cabdillaahi Axmed Jaamac “Ilka-Jiir”.

Kulanka, ayaa intuu socday, waxaa warbixino looga dhageystay wasarado kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey siyaasadda guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Somalia.

Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, oo warbixino ka jeediyay kulanka wasiirrada ayaa sheegay in Ciidamadda Qaranka howlgallo ka sameeyeen deegaano hoos-yimaada degmada Madahadaay, oo kamid yihiin, Ceel-baraf iyo Caadley ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaas oo horey ugu sugnaayeen ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxay ka warbixiyeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka oo ciidanka amnigu ka sameeyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo lagu fashiliyey falal amini darro oo ay maleegayeen kooxaha Argagixisada Somalia.

Golaha wasiirrada ayaa ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Somalia oo uu soo gudbiyey xafiiska Ra’iisul wasaaraha, sidaas ayaana lagu dhaqan galin doonaa Siyaasaddan cusub.

GAROWEONLINE

Related Articles

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM

Qaramada Midoobay oo Soo Dhaweysay Wadahadallada Dowladda Soomaaliya iyo Gollaha Mustaqbalka

Maadaama uu soo dhow yahay dhammaadka muddooyinka dastuuriga ah isla markaana ay jiraan arrimo qaran oo u baahan heshiis.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:44AM