Somaliland: Khasaaro ka dhashay weerar lagu qaaday Gudoomiyaha gobolka Owdal

Image

07 Octobar, 2015(GO)-Labo ka mid ah ilaalada Gudoomiyaha gobolka Owdal ee Somaliland  Maxamuud Cali Saleebaan ayaa lagu dilay ka dib weerar lagu qaaday guriga uu ka daganyahay magalada Boorama.

Weerarka, waxaa kaloo lagu dhaawacay labo ruux oo shacab ah.

Lama oga cidda ka dambaysay weerarka  balse waxaa looga shakisanyahay kooxo ku jira buuraha kana amar qaata Suldaan Wabar oo ka soo horjeeda maamulka Somaliland.

Gudoomiyaha la weeraray ayaa la sheegay inuu caafimaad qabo, wax dhib ahna ka soo gaarin arrinka ka dhacay gurigiisa.

Maamulka Somaliland,ayaa falkaan ku eedeeyay ciidamada Suldaan Wabar, waxaana falkaasi loo xiray ganacsato iyo odoyaal.

Ma aha markii ugu horraysay oo mas'uul ka tirsan Somaliland lagu weeraro magalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Suldaan Wabar ayaa haatan la sheegay inuu ku suganyahay dalka Ethopia, waxaana uu si weyn u dhaliilsanyahay siyaasadda Somaliland isagoo aaminsan in Somalia ay tahay hal dal oo qura.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM