Somaliland oo iska fogeysey eedeyntii Puntland

Image

January 31, 2015 (GO)- Maamulka Somaliland ayaa iska fogeeyey eedeyn shalay oo Jimce ahayd uga timid dhanka Puntland, taasoo la xiriirtey in Somaliland si qarsoodi ah ula degtey hubkii saarnaa markabkii todobaad kahor kusoo xirtey dekeda Berbera.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland Cali Maxamed Cilmi oo la hadlay laanta afka-Soomaaliga ee Idaacada VOA, ayaa sheegay in eedeyntaasi tahay mid been abuur ah oo aysan haba yaraatee waxba ka jirin.

Cilmi ayaa sidoo kale sheegay in haddii Somaliland hubkaas iyadu leedahay aanay warbaahinta ka sheegteen indhaha caalamkana kusoo jeediseen, balse ay si qarsoodi ah ula degi lahayd.

"arinkaas waxan u arkaynaa hadal gef ku ah Somaliland...hubkaas Somaliland baa qabatey Somaliland baana haysa...haddaan leenahay waan qarsan lahayn laakiin caalamka iyo cid walba waan u bandhignay ilaa inta uu ka cadaanayo" ayuu yiri.

Mar la weydiiyey macluumaadka ay ka hayaan hubkaas iyo halka loo wadey, wuxuu sheegay inay jiraan warar sheegaya in laga soo raray deked ku taalla dalka Sudan loona wadey Imaaraadka Carabta, balse taas aan wax caden ah loo haynin.

Puntland ayaa walaac ka muujisey hubkaas oo sida ay sheegtay halis gelin kara ammaanka gobolka Geeska Afrika, islamarkaana ay suurogal tahay inuu gacanta u galo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta buuraleyda Golis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM