Somaliland oo ka hadashay mowqifkeeda hawada Somalia

Image

Octobar, 2015(GO)-Waxa todobaadkan dalka Turkiga ka furmaya shir u dhaxeeya dowaladda Somalia iyo maamulka Somaliland, kaasi oo ku saabsan maamulka hawada Somalia.

Wefti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda duulista Somaliland ayaa safar ugu ambo-baxay dalka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qayb-galayaan wada hadallo lagu xallinayo khilaafka maamulka hawada. 

Wasiirka duulista Somaliland Maxamuud Xaashi ayaa VOA-da faahfaahin ka siiyay ujeeddada shirka ka furmaya dalkaasi iyo mowqifkooda.

“Wefti ka kooban aniga iyo afar xubnood oo kale waxaanu waddanka Turkiga  kaga qayb-galeynaa shir dawladda Turkigu nagu casuuntay, waxaan lagaga wada hadlayaa masiirka iyo mustaqbalka murankii ka taagnaa mashruucii hawada ee dalkii la isku oran jiray Somalia, shirka waxa ka qayb-galaya hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan maamulka hawada ee ICAO oo gacanta ku haysa imika, sidaynu la wada soconno muddo dheer ayuu wada hadalkeedu soconayey ismaan dhaaf ayaa kasoo baxay, markaa shirka waxa loo qabanayaa in la xaliyo” Ayuu yiri wasiirku.

Wasiirka Xaashi ayaa sidoo kale tilmaamay in Taawar dawladda Somalia ka taagtay Muqdishu si looga maamulo hawada Somaliland, taasi oo ku tilmaamay inaysan hal u noqonayn khilaafka jira.

“Muranka ka taagan hawada xal u noqon maayo Xamar oo laga taago Taawar laga maamulaa, annaguna yeeli mayno wax qarannimada ummaddayada meel ka dhac ku ah”Ayuu hadalkiisa ku soo gababeeyay wasiiku.

Somaliland ayaa Saddex midkood ku adkaysanaysa; in hawada Somalia labo loo kala qaybiyo, inay iyagu maamulaan iyo in Qaramada Midoobay gacanta ku hayso, balse waxaa laga war sugayaa waxa uu ku dhammaado wada hadalka furmaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM