Somaliland oo musaafurisey saddex qof oo Kenyan ah

Image

February 22, 2015 (GO)- Maamulka Somaliland ayaa maanta deegaanadiisa ka musaafuriyey saddex qof oo u dhashay dalka Kenya.

Taliyaha waaxda socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf ayaa VOA-da u sheegay in saddexdaas qof oo midkood haweeney tahay ay qaab sharci darro ah Somaliland kusoo galeen islamarkaana wateen aqoonsi dhakhtarnimo oo been abuur ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ku raad joogaan dad kale oo iyagana la sheegay inay ka hawlgalaan deegaanno ka tirsan Somaliland kuwaasoo sida uu tilmaamay khatar ku ah caafimaadka bulshada.

Qabashada dadkan waxaa gacan ka geystey ururka xirfadleyaasha caafimaadka madaxa bannaan ee Somaliland.

Dowladda Puntland ayaa horay sidan oo kale deegaanadeeda uga musaafurisey dhowr qof oo dalka Kenya u dhashay, kuwaasoo badankoodu ka shaqeynayey goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay islamarkaana la xaqiijiyey inaysan aqoon caafimaad lahayn balse ay iska dhigayeen xirfadleyaal caafimaad iyaga oo watey cadeymo iyo shahaadooyin been abuur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM