Somaliland oo u dabbaal degeysa sanad-guuradeedii 24aad

Image

May 18, 2015 (GO)- Dhammaan deegaanada Somaliland waxaa maanta looga dabbaal degayaa sanad-guuradii 24aad ee kasoo wareegtey markii dhidibada loo taagey Somaliland islamarkaana ay shaacisey inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

Munaasabadda ugu weyn ayaa ka dhaceysa magaalada caasimadda ah ee Hargeysa, halkaasoo kumannaan qof isugu soo baxayaan goob fagaare ah mas'uuliyiinta dowladuna khudbado ka jeedin doonaan.

Goobta waxaa sidoo kale gaadda ka ciyaar ku mari doona cusubto ka tirsan ururrada ciidamada Somaliland iyo ururrad bulshada sida: ardeyda, shaqaalaha, ciyaaraha iyo xaafadaha Hargeysa.

Dhammaan jidadka waxaa lagu xardhey calanka Somaliland ee leh midabada casaanka, cagaarka iyo caddaanka. Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, dadka iyo gaadiidkana waa la baarayaa.

Sanad-guurada 24aad ee kasoo wareegtey  asaaska Somaliland ayaa kusoo aadaysa xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatey muddo kordhin Golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo iyo Golaha Wakiillada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM