Somaliland oo xukun qisaas ah ku fulisey lix qof

Image

April 13, 2015 (GO)- Somaliland ayaa maanta xukun toogasho ah ku fulisey lix qof oo horay dil loogu xukumey.

Xukunka qisaasta ayaa ka dhacay xabsiga Mandheera oo ku yaalla inte u dhexeysa Hargeysa iyo Berbera.

Lixda qof ee la qisaasey labo kamid ahi waa askar afrta kalena waa rayid, waxayna ku eedaysnaayeen dilka lix qof oo isugu jirey shan nin iyo qof dumar ah.

Taliyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Somaliland, Yuusuf Faarax Sharma'arke ayaa sheegay in dadkan ay ku caddaatey inay si bareer ah dil u geysteen.

Wuxuu sidoo kale taliyuhu sheegay in lixda qof xukunkoodu soo marey dhammaan maxakmadaha kala sarreeya ee Somaliland.

Labada askari ee ku jirey kuwa maanta la qisaasey waxaa lagu kala magacaabi jirey Cabdirashiid Xasan Cumar iyo Maxamed Cabdullaahi Cabdi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM