Somaliland oo xukun qisaas ah ku fulisey lix qof

Image

April 13, 2015 (GO)- Somaliland ayaa maanta xukun toogasho ah ku fulisey lix qof oo horay dil loogu xukumey.

Xukunka qisaasta ayaa ka dhacay xabsiga Mandheera oo ku yaalla inte u dhexeysa Hargeysa iyo Berbera.

Lixda qof ee la qisaasey labo kamid ahi waa askar afrta kalena waa rayid, waxayna ku eedaysnaayeen dilka lix qof oo isugu jirey shan nin iyo qof dumar ah.

Taliyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Somaliland, Yuusuf Faarax Sharma'arke ayaa sheegay in dadkan ay ku caddaatey inay si bareer ah dil u geysteen.

Wuxuu sidoo kale taliyuhu sheegay in lixda qof xukunkoodu soo marey dhammaan maxakmadaha kala sarreeya ee Somaliland.

Labada askari ee ku jirey kuwa maanta la qisaasey waxaa lagu kala magacaabi jirey Cabdirashiid Xasan Cumar iyo Maxamed Cabdullaahi Cabdi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM