Soo celinta askarta lagu tababaray Eritrea oo xog cusub laga bixiyey

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dhowaan Mareykanka u diray codsi ku saabsan ciidamaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamadda lagu tababaray Eritrea ayaa kusoo laaban doono Soomaaliya inta uu socdo howlgalka ka bilowday dalka oo dhan ee ka dhanka ah Al-Shabaab, sidda uu shaaciyey wasiir sarre.

Wasiirka arrimaha gudaha, Axmed Macalin Fiqi oo Garowe Online Twitter Space u xaqiijiyey in ay bilowdeen dadaaladda lagu soo celinayo ciidamadda si ay qeyb uga noqdaan "kacdoonka shacabka".

Fiqi oo si weyn uga gaabsadey in uu kasii horudhaco fahfaahinta galkan "maadaama ay gacanta ku hayso Wasaaradda Difaaca" ayaa tibaaxay "in xogta kaliya uu hayo ay tahay in ay soo noqon doonan".

"Ciidamadda lagu tababaray gudaha Eritrea waxaa soo laaban doonan inta uu socdo howlgaladda haatan dalka oo dhan ka socda ee looga xoreynayo argagixisadda Al-Shabaab," ayuu caddeeyay.

Askartan oo u badan dhalinyaro ayaa Eritrea waxaa u dirtey dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Intii uu socdey ololaha doorashadda, kiiskooda wuxuu ahaa kan ugu culus ee mucaaradka ku oor kacsadaan.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa kadib markii uu xafiiska la wareegay wuxuu booqdey askartan. Mar uu dhowaan ka hadlaayay machad u yaala Mareykanka ayuu Washington waydiistay in ay ka caawiso soo celintooda.

Warar madax-banaan ayaa tibaaxaya in dowladda ay haatan raadineyso taageero dhaqaale oo lagu soo daabulo maadaama loo baahan yahay diyaarado tiro badan iyo in ay helaan xarumo ay dagaan marka soo noqdaan.

Sida ay warisay warbaahinta dowladda, in ka badan 30 degaano oo ay ku jiraan degmooyin waaweyn ayaa Al-Shabaab looga xoreeyo howlgaladan waxaana looga dilay in ka badan 200 dagaalameyaal.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyey telefishinka CNN ee fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ayaa ku nuux-nuux-sadey in maamulkiisa uu halka sano soo aadan kusoo afjari doono Al-Shabaab.

Balanqaad kan lamid ah waxaa horey u sameeyay madaxwayne Farmaajo kaasoo ku guuldareystay shan sano uu xafiiska joogay in uu guul la taaban karo kasoo hooyo ololaha lagu dabar-goynayo argagixisadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM