Soo celinta taakulada EU-da ee Soomaaliya oo laga shiray

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Weber ayaa soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya," ayaa la raaciyey bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed".

Sida ku cad war-saxaafadeedka, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa "xusay in la sii amba-qaadi doono,lana horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna".

"Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalkeenna tan iyo burburkii kaddib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM