Soo celinta taakulada EU-da ee Soomaaliya oo laga shiray

Image
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada dalka kulan kula qaatay wafdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber oo ay wehlineysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa ka wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, sidda ay sheegtay Villa Soomaaliya.

Weber ayaa soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Marwo Annette Weber ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Midowga Yurub iyo Soomaaaliya," ayaa la raaciyey bayaanka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Midowga Yurub ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed".

Sida ku cad war-saxaafadeedka, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa "xusay in la sii amba-qaadi doono,lana horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee dalkeenna".

"Danjire Annette Weber ayaa ah mas’uulkii ugu sarreyey ee ka socda Midowga Yurub ee soo gaara dalkeenna tan iyo burburkii kaddib, taas oo muujineysa sida dowladda Soomaaliya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeya dunida," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM