Soomaali ka baxsadey colaada Sudan oo ka waramay qiso dhif ah
MUQDISHO, Soomaaliya - Arday Soomaali ah oo ay u suurtagashay in uu ka baxsado colaadda Khartoum ayaa BBC-da uga warramay naxariista dad aysan aqoon isku-lahayn oo caawiyay intii uu safarka dhibka badan kusoo jiray.
"Sagaal saacadood ayay igu qaadatay inaan gaaro magaalada Gedaref, intii aan safarka ku jirnay waan cabsannay, laakiin dadka magaalooyinka deriska ah ayaa si iskood ah noo siinayay cunto fudud iyo biyo," ayuu yiri Cabdiraxmaan Shangax.
Gedaref waa magaalo madaxda gobolka Gedaref ee ku taal bariga Suudaan oo ku taal xadka Itoobiya. Waa marinka ugu badan ee ay adeegsanayaa dadka kasoo qaxaya dagaaladda.
Shangax waxa uu sheegay in uu ka tagay Khartoum ka dib markii ay askartu la wareegeen Jaamacadiisa ayna bilaabeen in ay fasalada u isticmaalaan dhufeysyo dagaal.
BBC-da ayaa warbixin taas la mid ah Isniintii ka heshay arday Kenyan ah oo isaguna wax ka baranayay Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika, isagoo sheegay in xoogag dagaal ay la wareegeen qayb ka mid ah dhismaha Jaamacadda.
"Waxaan qorsheynayaa inaan aado Soomaaliya, waxaan ku maqnaa Suudaan oo keliya oo aan shahaadada jaamacadeed ka ahaa, mana sii joogi karo Gedaref maadaama aanan cidna garanayn," Shangax ayaa intaas ku dartay.
Ardayda Soomaaliyeed ee gaaray magaaladda Al-Qadarif ayaa soo wariyay in ay la daalaa-dhacayaan dhibaato dhinaca dhaqaalaha ayna doonayaan in ay helaan taakulo maaliyadeed.
Cabdalle Muuse Ibraahim, oo wax ka barta Jaamacadda Caalamiga ah ee Afrika ee Khartoum, ayaa tibaaxay in waxyaabaha daruuriga ah ay qaali noqdeen. Xafiis xawaaladaha ah oo lacag loogu soo dir lahaa ayuu xusay in ay xiran yihiin.
"Kharashka guryaha iyo nolosha aad bay qaali u yihiin," ayuu hadalkiisa kusii daray. "Ardayda halkan la timid lacagta jeebka waxay ku dhammaan doontaa lacagtu toddobaad gudihiisa".
Caasha Idiris Xasan oo iyana ka mid ah ardaydii ka soo qaxday magaalada caasimadda ah ee Khartoum ayaa ka shanqarisay in ay dhibaato la mid ah kala kulantay Khartoum. "Biyo la'aan, hoy la'aan, iyo xawaalad la'aan," ayay kusoo koobtey.
Caasha Cali Cabdi oo ah hooyo ilmo haysata oo ka soo qaxday magaalada Khartoum ayaa sheegtay in ay qol oo goglan balse aan lahayn biyo, koronto iyo madbakh looga kireyn gaarey aduun lacag dhan 30 doolar maalintii.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku warantay in tirro ku dhow 200 qof oo Soomaali ah ay maalmihii lasoo dhaafay gaareen magaalada Gedaref ayna halkaas u dirtey diblumaasiyiin caawinaya muwaadiniinta go'doonsan.
GAROWE ONLINE