Soomaali ku xayirneyd Suudaan oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Image
Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtey in ay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniintan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya, Saalax Jaamac, ayaa Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wuxuu ku soo dhaweeyey muwaadiniin kasoo laabtey Suudaan.

Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigtey in ay dalka dib ugu soo celisay muwaadiniintan kuwaas oo ku go’doon-sanaa dagaallada ka soconaya dalka Suudaan.

Mr Jaamac waxaa munaasabadan ku wehlinayey xubno ka mid ah guddiga loo xil-saaray samatabixinta muwaadiniinta Soomaliyeed ku xaniban dalka Suudan

Muwaadiniinta oo ka koobnaa 150 qof ayaa 72 ka mid ah laga dajiyey magaalada Garoowe, halka 78 ka mid ahna laga soo dejiyey Muqdisho, iyaga oo safar dheer oo xagga lugta ah ay ku soo galeen dalka Ethiopia oo Dowladda Soomaaliya ay ka soo daad gureysay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka ayaa ku boggaadiyey shaqada ay qabteen guddiga soo celinta muwaadiniinta ku xayirmay dagaalka Suudaan,

Xukuumadda uu ka tirsan yahay ayuu carabka ku adkeeyay in ay dadaal xoogan galinayso sidii guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran Suudaan ay si nabad ah dalkooda ugu soo noqon lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM

Nidaamka cusub E‑Visa ee Soomaaliya oo abuuray jahwareer iyo khilaaf cusub

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku doodaysa in nidaamka cusub uu yareyn doono hawsha maamulidda socdaalka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 06:48AM