Soomaali lagu dilay weerar ka dhacay Koonfur Afrika

Image
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintey mid kalana wuu ku dhaawacmay laba weerar oo kala duwan.

CAPE TOWN, South Africa - Laba qof oo Soomaali ah ayaa lagu beegsadey weeraro k ala duwan oo ka kala dhacay laba magaalo oo ku yaala waddana Koonfur Afrika, sidda ay wararku sheegayaan.

Weerarka koowaad oo lagu bartilmaameedsadey laguna khaarijiyey Salmaan Cabdullaahi Cusman ayaa ka dhacay magaalada Queenstown oo dhacda gobalka Eastern Cape.

Cusmaan Cabdullaahi Maxamed ayaa, sida ay xaqiijiyeen ehelaldiisa, waxaa lagu dhaawacay weerarka labaad oo xaafadda Keystana ee hoostagta degmada Cosmo City ee magalada Johannesburg.

Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika ayaa sheegay in kooxaha burcadda ah ay sidoo kale dab qabadsiiyeen dukaankii uu ku ganacsanayey Salmaan "kadib markii ay si xun u dileen".

Booliska Koonfur Afrika oo tagay meesha ay wax ka dhaceen kadib markii ay heleen warbixin degdeg ah ayaa sameeyay baaritaano aysan wali soo bandhigin maxsuulka dhabta ah ee kasoo baxay.

"Booliska Koonfur Afrika mar walba waxaa caado ah marka dhibaato loo geysto ajaaniibta way ka gaabsadaan mana la ogga sababta ay salka ku hayso arrintaas," ayuu yiri mid kamid ah Soomaalida.

Soomaalida ayaa kamid ah bulshooyinka sida ba'an loogu dhibaateeyo Koonfur Afrika balse si weyn uga qeyb-qaata horumarka waddanka maadaama ay yihiin canshuur-bixiyeyaal ganacsiyo ku leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM