Soomaali loo xiray isku-day afduubka markab oo lasoo daayey

Image
Shaqsiyaadkan ayaa loo haystey in lagu helay dambi ah inay isku dayeen inay af-duubtaan markab shidaal 2011-kii.

DUBAI, UAE - Imaaraadk ayaa sii daayay toban nin oo lagu helay dambi ah in ay isku dayeen in ay afduubtaan markab ku dhawaad ​​10 sano ka hor, taasi oo u gogol xaareysa in uu isbedel weyn sameeyo xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi oo aad u xumaa.

Maamulkii hore ee uu madaxda ka ahaa Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xumaayay xiriirka kala dhexeeya Imaaraadka sababo ku aadan Qatar oo saameysay dalkan dhaca Geeska Afrika.

Qatar ayaa maamuleysay siyaasadda gudaha ee dalka shanti sano ee lasoo dhaafay. Sabtidii, tobankan nin ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib markii ay dhowr sano ku xirnaayeen dalka Imaaraadka Carabta.

Shaqsiyaadkan ayaa loo haystey in lagu helay dambi ah inay isku dayeen inay af-duubtaan markab shidaal 2011-kii, waxaana sii deyntooda ay ku soo beegantay toddobaad un kaddib markii Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka kala wareegay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Raggan ayaa xaq u lahaa in la sii daayo 25 sano kadib, balse Imaaraadka ayaa ogolaaday in la soo wareejiyo kadib markii uu dhawaan booqasho ku tagay Abu Dhabi Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa todobaadyo ka hor ku sugnaa Abu Dhabi, wax yar uun ka dib markii uu Xasan Sheekh Maxamuud la wareegay xafiiska Madaxtooyadda Qaranka ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo aan la ogeyn in raggan ay mudada u hartey ku qaadan doonaan xabsiga Soomaaliya, ayaa haddana waxaa jirta fursad weyn oo ah in heshiis noocan oo kale ah la saxiixo. Caadiyan, dalalku waxay saxeexi karaan heshiisyada wareejinta maxaabiista ka shaqaynaysay dalalkooda.

Tobanka nin waxaa ka mid ah; Abdalla Mohamud Farah, Abdulfatah Hussein Mohamed, Mohamud Abdi Ibrahim, Hassan Saeed Hussein, Abdulhamed Abdullah Mohamed, Saqaar Mohamed Yusuf, Guleed Hersi Farah, Ali Tahlil Mohamud Cabdoo Cali Siciid, Axmed Maxamed iyo Cabdallah Dahlaya. 

Maamulka Soomaaliya ee hadda jira wuxuu xiriir wanaagsan la lahaa Imaaraadka xitaa waagii mucaaradka. Todobaadki hore, Imaaraadka ayaa Soomaaliya ugu deeqay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar si wax looga qabto abaaraha ka jira dalka.

Wararka ayaa sheegaya in lacagtaas ay Soomaaliya dib ugu celisay Imaaraatka kadib markii ay gacanta ku dhigeen maamulkii hore oo ay ka shakiyeen in la doonayay in lagu dumiyo dowladda.

Imaaraatka Carabta ayaa taas bedelkeeda ku adkeystay in lacagtan ay ugu tala galeen in lagu bixiyo lacagaha ay xaqa u leeyihiin askarta qeyb ka ah dagaalka Al-Shabaab. Guutadaas ciidan ayaa la burburiyey shantii sano lasoo dhaafay waana la kala diray askarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Ciidamo usoo diray Soomaaliya kadib codsi Xasan Sheekh u diray Erdogan

Turkiga ayaa heshiisyo shidaal baaris iyo kuwa ku ilaalinayo badda Soomaaliya la galay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 12:14PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo shir deg-deg ah ku qabtay Madaxtooyada

Kulankan ayaa yimid xilli ay xaalado amni oo adag ka taagan yihiin qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo dagaallo culus.

  • Soomaliya

    21-04-2025

  • 07:30AM