Soomaalida Turkiga oo indho shaki leh lagu hayo

Image
Shacab badan oo isticmaala Baraha Bulshada iyo warbaahinta dalkaasi Ayaa Aad Uga carooday, kuna baaqay in ninkaasi la xiro. 

ISTANBUL, Turkiga - Waxaa soo kordhaya dhacdooyinka aan wanaagsanayn ee ay dhexda ka galaan Soomaalida Turkiga, iyada oo hadda uu abuurmay jawi kala shaki ah oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Shacabka dalkaasi. 

Dhacdadii ugu dambeysay waxa ay ahayd nin Soomaali ah oo ay booliiska xabsiga dhigeen kadib markii uu iska soo duubay muuqaal isaga oo jarjaraya lacagta Liiraha dalkaasi, sheegayana in aysan wax qiimo lahayn. 

Shacab badan oo isticmaala Baraha Bulshada iyo warbaahinta dalkaasi Ayaa Aad Uga carooday, kuna baaqay in ninkaasi la xiro. 

Ninkan ayaa ka yimid dalka Finland, wuxuuna fiiso ku joogay dalkaas. 

Todobaadyo ka hor waxaa jirey haweenay Soomaali ah kadib markii ay soo duubtay muuqaal ay kaga hadlayso qarixii dhowaanta ka dhacay Istanbul. 

Waxaa sidoo kale jira isfaham daro u dhaxeeya Soomaalida iyo shacabka dalkasi. Gaar Ahaan dhanka kireysiga guryaha iyo goobaha ganacsiga. Meelaha qaar ayaa Soomaalida loo diidey in ay kireystaan guryaha. 

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa iyana la sheegay in ay adkaysay fiisooyinka dadka caadiga ah la siiyo, iyada oo shuruudo adag lagu xirey degenaanshaha Turkiga oo markii hore fududaa. 

Dhanka dowladda federaalka Soomaaliya, iyada macaamilkeeda waxa ay kusoo koobtay dhanka xiriirka labada dowladood, mana jiro wax dedaal ah oo la galiyay dhanka Arrimaha bulshada,  xilli kumanaan kun oo Soomaali ah Ay degeyaan dalkaasi. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo kahor-timid Dalabka Mareykanka ee Dib-u-dejinta Shacabka Qasa

Boqolaal askari oo Mareykanka ah ayaa ku sugan dalka, iyadoo inta badan laga saaray ka hor inta uusan Trump ka bixin Aqalka Cad ee 2020.

  • Soomaliya

    14-03-2025

  • 08:37PM

Mareykanka iyo Israel oo raba inay Falastiiniyiinta Gaza geeyaan Soomaaliya iyo Sudan

Dowladaha Soomaaliya iyo Sudan ayaa sheegay in wax xiriir ah Mareykanka iyo Israel kala soo sameynin arinta qaxootiga reer Falastiin.

  • Soomaliya

    14-03-2025

  • 02:56PM