Soomaaliya: Ajaaniib laga soo "badbaadiyey" Al-Shabaab

Image
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Maamul goboleedka Galmudug ayaa Axada maanta ah wuxuu ku dhawaaqay in uu "soo badbaadiyey" 20 qof ajnanbi ah kuwaasoo "ku jiray gacanta maleyshiyaadka Al-Shabaab".

Siciid Cismaan Warsame oo ah xiriiriyaha booliiska badda ee Galmudug, kana mid ahaa saraakiisha howlgalka fulisay, ayaa VOA-da wuxuu u sheegay in raggan u dhasheen Iiraan iyo Pakistan.

"Raggan lix kamid ah waxay u dhasheen Pakistan, 14-ka kalana waxay kasoo jeedaan Iiraan," ayuu yiri. Howlgalkan wuxuu ka dhacay degaanka Ceel-Huur oo u dhaxeeya Hobyo iyo Xarar-dheere.

Warar horudhac ah waxay xaqiijinayaan in raggan ay muddo sanado ah ku jireen xabsi ku yaalla degaano ay ka taliso kooxda gacansaarka la leh shabakdda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in dhamaan shaqsiyaadkan hadda lagu hayo magaaladda Hobyo ay yihiin isku-xirfad ayna kawada shaqeysanayeen ka kalluumeysashadda badda.

Xogaha qaar ayaa tibaaxaya in Al-Shabaab ay shaqsiyaadkan ka qabatay xeebaha Soomaaliya "oo ay ka sameynayeen jilaabasho". Lama ogga in ay la socdeen doon maxali ah iyo mid ajanbi markii la qabanayey.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Isku-dayo xiriir oo warsidaha Garowe Online la sameeyay hay'adaha ay khuseyso ayaan gabi ahaanba guuleysan.

Xeebaha Soomaaliya ayaa inta badan laga soo wariyaa kalluumeysi sharci darro ah. Maraakiibta iyo doonyaha ku lugta leh falkan waxay u badan yihiin kuwa laga leeyahay dalal dhaca Bariga Dhexe gaar ahaan Iiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM