Soomaaliya: Al-Shabaab oo Gubtey Raashiin Loo Wadey Baydhabo
BUURHAKABO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa Maanta 10 Gaari-Dameer oo Raashiin waday ku qabtay degaanka Deynuunaay, ee gobolka Baay xili ay kusii jeedeen magaaladda Baydhabo.
Wararka ayaa sheegay in Gaari-Deemaradda ay ka yimaadeen dhinaca degmada Buurhakabo, oo gobolka katirsan, waxayna Badeecado Raashiin ka kooban u sideen Baydhabo, oo Al-Shabaab go'doomin kusoo rogtay.
Dadka degaanka ayaa Garowe Online u sheegay in Al-Shabaab ay sidoo kale gubeen raashinkii saarnaa oo iskugu jiraya bariis, sonkor iyo bur. Waxay sidoo kale gubeen buudhigii ama gaarigii ay dammeeradu jiidayeen.
Al-Shabaab ayaa muddo lix maalmood ah u diidaya badeecadaha ganacsi ee ay ka mid yihiin raashiin iyo shidaal in la geeyo magaalada Baydhabo. Talaabadan ayaa lagu soo waramayaa inay la xiriirto xariga shaqsiyaad la sheegay inay u safreen deegaanada Al-Shabaab.
Tani waxay keentay dhaqaale xumo, iyadoo sare u kac wayn uu ku yimid qiimaha badeecadaha iyo waxyaabaha daruuriga ah. Qiimaha Shidaalka ee Litirkiiba waxa uu u dhexeeya 1.5 ilaa 2 Dollar, halka galaas caano ah hadda la iibinayo 2 dollar.
Al-Shabaab ayaa go’doominta gelisay magaaladda 11-kii bishan July, iyadoo ka celisay gaadiidka soo galaya. Ganacsatada ayaa ka cawday in badeecadihihii magaalada loo keeni jiray ay joogsadeen, islamarkaana sare u kac ku yimid qiimaha cuntada.
Baydhabo ayaa la daalaa dhaceysa dhibaato barakaceed, iyadoo in ka badan hal milyan oo qof oo abaarta kasoo cararay ay ku nool yihiin kaamamka oo ay uga dhisan yihiin aqallo cooshado ka sameysan daafaha magaalada.
Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku haysa tuulooyin ku yaalla Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool. Jiho kasta ayay Al-Shabaab kasoo fariisatay Baydhabo, waxaana taasi dadka ku beertay cabsi amni.
Xayiraadan ayaa kusoo aadeysa xilli la filayo in waji labaad ay galaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee dowladda ay hogaamineyso, kaasi oo diirada lagu saarayo deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
GAROWE ONLINE