Soomaaliya: Al-Shabaab oo guul-darrooyin kala kulmaysa dagaalka
GAALKACYO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa mar kale guul-darro hor leh kala kulantay ciidanka dowladda in kasta oo ay wado dadaallo ay ku doonayso in ay ku qalqal galiso xasiloonida Soomaaliya, iyadoo howlgalkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen Kumaandooska Danab ay ku dileen 18 dagaalyahan.
Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda, ciidamada Kumaandooska ayaa dilay xubnaha, kadib howlgal qorsheysan oo gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay deegaanka Budbud ee gobolka Galguduud ee hoos taga maamulka Galmudug, sida saraakiisha ay xaqiijiyeen.
C/raxmaan Yuusuf Cadaala, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, ayaa sheegay in Ciidanka ay ku guuleysteen inay bur buriyaan Shabakadda Al-Shabaab oo ay ku jiraan Saraakiil sar sare, oo la beegsaday. Weerarka ayaa la soo abaabulay ka dib markii ay Ciidanka xog ka heleen qeybaha bulshada.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada XDS, kuwa Galmudug, iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan dalka oo dhan looga cirib tiro argagixisada. weerarka ayaa kusoo beegmaya xilli ay dalka oo dhan ka socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaasoo u dagaalamayey sidii ay xukunka ugu tuuri lahaayeen dowladda.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii qasaaro hor leh ay maleeshiyada kasoo gaartay deegaanka Weelmarow ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii ciidamada xoogga dalka, kuwa Midowga Afrika iyo kuwa Mareykanka ay qaadeen weeraro badan. Inta uu socday howlgalka ayaa waxaa lagu dilay Hogaamiyaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iclaamiyay dagaal guud oo ka dhan ah Al-Shabaab sanadkii tagey, isagoo sidoo kale qaatay go'aan ah in Ciidanka dalalka safka hore ay kamid noqdaan howlgalka.
Wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa ka bilaaban doona dowlad goboleedyada Jubaland iyo Koonfur Galbeed, Xasan Sheekh ayaa ballan qaaday, isagoo howshaas ka abaabulaya ciidamo aan ka tirsaneyn ATMIS oo ka socda Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya. Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa dagaal kula jirta dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee Soomaaliya.
GAROWE ONLINE