Soomaaliya: Baarlamaanka Puntland oo sii wada qorshe looga digay

Image

GAROWE, Soomaaliya - Golaha wakiilada Puntland ayaa sii wada ogaysiisyada wax ka badalka Dastuurka xilli ay soo badanayaan baaqyada ku aadan arintaas.

Khudbadihii Jimcaha masaajidada Puntland ayaa jimcihii looga hadlay in Goluhu ka baaqsado in dhibaato hor leh ay u horseedaan Puntland.

Uurur siyaasadeedka Mideeye oo maalintii shalay Garowe ku qabtay War-saxaafadeed ayaa Masuuliyada dhibaatadii Garowe ka dhacday dusha u saaray, Madaxweynaha wakhtigiisa Dastuuriga ah ay bilooyinka ka harsan yihiin iyo Gudoomiyaha Golaha wakiilada oo ka wada tirsan ururka KAAH.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland, Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo horey Agaasimaha warfaafinta ka ahaa madaxtooyada Puntland xiligii dowlada Madaxweyne Gaas ayaa haatan tahay markii u horaysay ee uu xubin ka noqdo golaha sharci dajinta Puntland. 

Xildhibaan Faarax Biyoole oo ka tirsan golaha Wakiilada Puntland ayaa ku tilmaamay in Kartoon Masas ay ku jiraan la dhex keenay Golaha Wakiilada isaga oo ula jeeda wax ka badalka Dastuurka.

Madaxweyne Deni oo mudada xil-hayntiisa Dastuuriga ah ay ka harsan yihiin bilooyin ayaa ka damacsan muddo kororsi Puntland si uu markale isugu sharaxo doorashada Federaalka 2026 sida ay ku doodayaan falan-qeeyayaashu.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM