Soomaaliya: Boqolaal saraakiil dharcad oo lala ruqseeyay hubkooda

Image
Talaabadan ayaa laga digay in ay keeni karta xubnahan ay geystaan falal burcadnimo ah.

MUQDISHO, Soomaaliya – Boqolaal saraakiil dhar-cad ah oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa la ruqseeyay, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Saraakiishan ayaa, sidda ay xogta muujineyso, waxaa shaqada looga joojiyay amar uu bixiyay Agaasimaha cusub ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), kaas oo xilka la wareegay bishii April 2024.

Macluumaadka ayaa intaas ku daraya in xubnahan loo eryay; in markii hore lagu qoray “nidaam sharci darro ah” iyo tuhun la xiriira in badankooda ay horey xubin uga ahaayee dagaalameyaasha Al-Shabaab.

“Hase ahaatee, arrinta walaaca leh waxay tahay in dhamaan saraakiishan la ruqseeyay iyaga oo wata hubkooda ayna sidaas magaalada ugu jiraan,” ayay GO u sheegeen ugu yaraan labo sarkaal uu xogtan la socota.

Talaabadan ayaa, sidda ay aaminsan yihiin khuburada dhanka ammaanka, waxay keeni kartaa in xubnahan ay hubka dowladda ku geystaan falal burcadnimo ah iyo in qaarkood dib ugu shaqo bilaabaan Al-Shabaab.

Dhanka kale, tan iyo markii ay soo shaac-baxdey arrintan oo laga joogo muddo bilooyin ah, qaybo kamid ah Muqdisho ayaa waxaa laga soo sheegayaa falal dhac ah oo ay geysanayaan dabley ku hubeysan bastoolado.

Agaasimihii hore ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo haatan u sharaxan madaxtinimada Galmudug, ayaa waxa uu aas-aasay shabakado kala duwan oo dharcad ah kuwaas oo uu ka howlgeliyay xaafadaha caasimada.

Wallow ay shaqo wanaagsan ka qabteen xaqiijinta ammaanka, haddana waxaa la dhaliilay qaabka loo marey hanaanka qoristooda iyadda oo dadka dhaliila ay ku eedeeyeen “inuu ku saleeyay kooxeysi iyo reernimo”.

Ammaanka gudaha iyo daafaha Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid walaac badan ay ka muujiyeen siyaasiyiinta iyo saaxiibada caalamka ee fadhigeedu yahay xarunta amnigeeda la adkeeyo ee Xalane.

Walwalka ayaa waxaa sii kordhiyay warar sheegaya in Muqdsho ay soo gaareen qaar kamid ah qoryaha Shaamshuutarka iyo Bastooladaha aamusitaanka wax ku dila kuwaas oo loo adeegsado dilalka qorsheysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qorshaha fog Itoobiya ee Somaliland iyo Koonfur Galbeed oo la shaaciyay

Qorshahan ayaa waxaa la sheegay inuu muddo badan soo jiitamayay isla markaana fulintiisa ay bilaabatay.

  • Soomaliya

    13-09-2024

  • 03:00PM

Mareykanka oo shaaciyay mowqifkiisa xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

Turkiga oo xulafo la ah labada dal ayaa waxa uu waddaa dadaalo isku-soo-dhaweyn ah.

  • Soomaliya

    13-09-2024

  • 08:22AM