Soomaaliya: Ciidanka dowladda oo weeraray goob lagu daweyn jiray Al-Shabaab

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Ciidanka milateriga Soomaaliya ayaa qaatey hab ka duwan kuwii hore oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, oo ah in la beegsado xarumaha ay ku daweynayaan dagaalyahannada dhaawaca ah.

Istiraatijiyaddan ugu danbeysey ayaa la arkayey in ciidamada Soomaaliya ay ku beegsadeen xarun lagu daweynayo dagaalyahanada dhaawac ah oo ku yaal meel howd ah oo qiyaastii 3 KM u jirta tuulada Qoob Yaxaas.

Wararka ayaa sheegaya in xaruntan gaarka ah lagu daweynayay ku dhawaad 120 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo dhaawacyo kasoo gaareen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud.

ٍAL-Shabaab ayaa goobta la weeraray ka sameeysay 30 teendhooyin ay ku dawaynayaan dhaawacyada, kuwaas oo ku dhawaad labaatan ka mid ah ay ahaayeen Ajaanib.

Warbaahinta Dawladda ayaa sheegtey in markii uu weerarka dhacayey uu Al-Shabaab u socday shir ay ka qeybgaleen horjoogayaal, shirkaas oo looga hadlayey sidii loo sameyn lahaa xarumo lagu daweynayo dhaawacyada la filayo in ay waxyeello ka soo gaarto wejiga labaad.

Tani waxay muujineysaa in istaraatiijiyada milateriga Soomaaliya ay ku qasabtay Al-Shabaab inay dib u qiimeeyaan xeeladahooda oo ay la qabsadaan xaaladaha jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo Nairobi uga shiraya khilaafka doorashooyinka

Golaha ayaa la filayaa inuu ka arrinsado tallaabooyinka uu ka qaadayo qorshaha doorashooyinka ee dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 09:40AM