Soomaaliya: Dad u badan caruur oo ku dhintey gantaal ku qarxay

Image
Falkan ayaa Jimcihii shalay waxa uu ka dhacay tuuladda Muraalle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 27 qof oo u badan caruur ayaa ku geeriyootay kadib markii uu ku qarxay gantaal la sheegay in ay ku cayaarayeen, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin kala duwan.

Falkan ayaa Jimcihii shalay waxa uu ka dhacay tuuladda Muraalle oo u dhaxeysa degmooyinka Qoryooleey iyo Jannaalle ee gobolka Shabeellaha Hoose ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Duqa magaalada Jannaale oo u dhow halka ay wax ka dhaceen, Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur, ayaa warbaahinta dowladda waxa uu u sheegay in ay ka cabsi qabaan in tirada geerida ay sii kororto.

Sidda laga soo xigtey Cabdinuur oo khadka telefoonka ku bixiyey wareysi, inta illaa haatan la og-yahay dhaawaca waxa uu marayaa 53 kuwaas oo isugu jira caruur, dhalinyaro iyo dad waaweyn.

Cabdinuur oo xaalad taagan ku tilmaamay "mid musiibo ah" ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dhaawacyadda oo uu xusay in ay qaarkood ay liidato xaaladooda.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya waxa uu ahaa gantaalkan. Warbixinada qaarkood waxay xusayaan in ay soo tuureen ciidamadda howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS balse rasmi ah looma xaqiijin karo.

Macluumaad kale oo aan si dhab ah loo hubin karin ayaa tibaaxaya in gantaalka uu kamid ahaa haraadiga weeraro horey uga dhacay aaggaas isla markaana caruurta ay aqoon la'aan ugu cayaarayeen.

Dhacdooyinkan oo kale ayaan ahayn mid ku cusub dhagaha dadweynaha Soomaaliyeed hase ahaatee waxaa dhif iyo naadir ahayd in khasaaro intaas la eg uu ka dhasho taasoo argagagax ku abuurtey dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM