Soomaaliya: Degaan lagu dilay askar Ameerikaan ah oo lala wareegay

Image
Jilib Marka iyo Gandarshe oo 45 KM u jira Muqdisho waxaa sanadihii ugu dambeeyay gacanta ku hayay Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka dhigtey in ay la wareegtey degaanadda Jilib Marka iyo Gandarshe ee ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidda ay ku warantey warbaahinta dowladda oo soo xigatay saraakiil dhanka amniga ah, ciidamadda Duufaan iyo Haramcad ayaa qabsadey degaanadan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Jilib Marka iyo Gandarshe oo 45 KM u jira Muqdisho waxaa sanadihii ugu dambeeyay gacanta ku hayay maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Laba askari Ameerikaan ah oo kala tirsanaa hay'adda CIA iyo ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ayaa November, 2022 waxay ku dhinteen howlgal ay ka sameeyeen Gandarashe.

Howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramay in lagu beegsaday horjooge ka tirsan Al-Shabaab kaasoo qaabilsanaa sameynta qaraxyadda.

Lama ogga in ciidamadda Soomaaliya ee la wareegay labadan tuulo ee muhiimka ah ay baaqi kusii ahaan doonan iyo in ay dib uga soo ruqaansan doonan maadaama horey looga bartey falalka noocaas ah.

Shabeellaha Hoose oo kamid ah gobolada ugu kheyraadka badan Soomaaliya ayaa xuduud la leh Muqdisho waxaana la aaminsan yahay in ururka Al-Shabaab ay ka hesho dhaqaalaha ugu tiradda badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Ballanqaaday Tallaabo Adag oo dhanka Amniga ah markii Daacish la wiiqay

Waxuu Madaxweynaha sheegay in kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS laga saarayo gobolka Bari ee dwladda Puntland

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 09:45AM

Trump oo ka laabtay go'aan uu ka qaatey taageerada dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan deeqaha dibadda oo ka dhigan 70% miisaaniyadda dalka oo sanadkii hore ahayd $1 billion.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 07:29AM