Soomaaliya: Degaan lagu dilay askar Ameerikaan ah oo lala wareegay

Image
Jilib Marka iyo Gandarshe oo 45 KM u jira Muqdisho waxaa sanadihii ugu dambeeyay gacanta ku hayay Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka dhigtey in ay la wareegtey degaanadda Jilib Marka iyo Gandarshe ee ka tirsan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidda ay ku warantey warbaahinta dowladda oo soo xigatay saraakiil dhanka amniga ah, ciidamadda Duufaan iyo Haramcad ayaa qabsadey degaanadan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Jilib Marka iyo Gandarshe oo 45 KM u jira Muqdisho waxaa sanadihii ugu dambeeyay gacanta ku hayay maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida.

Laba askari Ameerikaan ah oo kala tirsanaa hay'adda CIA iyo ciidamadda sidda gaarka ah u tababaran ayaa November, 2022 waxay ku dhinteen howlgal ay ka sameeyeen Gandarashe.

Howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen ciidamadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramay in lagu beegsaday horjooge ka tirsan Al-Shabaab kaasoo qaabilsanaa sameynta qaraxyadda.

Lama ogga in ciidamadda Soomaaliya ee la wareegay labadan tuulo ee muhiimka ah ay baaqi kusii ahaan doonan iyo in ay dib uga soo ruqaansan doonan maadaama horey looga bartey falalka noocaas ah.

Shabeellaha Hoose oo kamid ah gobolada ugu kheyraadka badan Soomaaliya ayaa xuduud la leh Muqdisho waxaana la aaminsan yahay in ururka Al-Shabaab ay ka hesho dhaqaalaha ugu tiradda badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM