Soomaaliya: Duqeyn Diyaaradeed oo Ka Dhacday Gobolka Shabeellaha Hoose

Image

JANAALLE, Shabeellaha Hoose – Warar aan weli si madaxbannaan loo xaqiijin ayaa sheegaya in duqeyn loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) ay Talaadadii ka dhacday tuulada Ukunji ee degmada Janaale, gobolka Shabeellaha Hoose — halkaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa lagu soo waramayaa inay sababi karto khasaaro rayid, inkasta oo aan weli la helin caddeyn rasmi ah ama mas’uuliyad sheegasho ka timid hay’adaha dowladda Soomaaliya. Tan iyo markii ay bilaabatay la-dagaallanka Al-Shabaab, duqeymaha noocan ah ayaa si joogto ah uga dhacayay deegaannada kooxda ay ku xooggan tahay.

Inta badan weerarradan cirka ah waxaa fuliya xulafada caalamiga ah ee taageera dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) oo door muuqda ku leh weerarrada noocan ah.

Inkasta oo AFRICOM sheegto in ay si qoto dheer u baarto bartilmaameedyada ay beegsaneyso, hadana waxaa horey u dhacay xaalado khaldan oo sababay dhimashada ama dhaawaca dadka aan waxba galabsan.

Tusaale ahaan, 13-kii September, nin oday ah oo lagu magacaabi jiray Cumar Cabdullaahi Cabdi ayaa ku dhintay duqeyn Mareykanku fuliyay, iyadoo la sheegay in uu hub u siday kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish. Hase yeeshee, ehelkiisa ayaa si adag u diiday eedeymahaas, iyagoo sheegay in uu ahaa qof rayid ah, una socday safar shaqsi ah.

Weerarka lagu dilay Cabdi ayaa ka dhacay deegaanka Ji’anyo oo u dhexeeya Elbuh iyo Badhan ee gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ayaa sheegay in uu keligiis saarnaa gaariga la beegsaday, kaasoo gebi ahaanba burburay.

Bayaan kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in Cabdi uu ahaa “ganacsade hub” u shaqeeya Al-Shabaab. Laakiin qoyskiisa iyo kooxda Al-Shabaab labaduba way beeniyeen sheegashadaas, iyagoo ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

Dadka dhaliila duqeymahan ayaa su’aalo ka keenay sida AFRICOM u hesho xogta ay ku saleyso weerarrada, iyo sababta aan looga fikirin in lagu qabto qofka la tuhunsan yahay halkii la dili lahaa.

Duqeyntii ugu dambeysay ee Talaadadii dhacday ayaan weli si rasmi ah loo xaqiijin, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Si kastaba, ciidamada Mareykanka, kuwa Midowga Afrika (AUSSOM), iyo kuwa ammaanka gudaha Soomaaliya ayaa si joogto ah u bartilmaameedsada dagaalyahannada Al-Shabaab meelaha la rumeysan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM