Soomaaliya: Gabar uu dhalay Sheekh Aadan Madoobe oo loo magacaabay Golle Qaran

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Golaha Maamulka Sare ee Hay'adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyee.

Golahan ay soo gudbisay Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa hadal heyn dhaliyey sacadihii la soo dhaafay kadib marka ay liiska xubnaha kasoo muuqatey gabadh la sheegay in uu dhalay Gudoomiyaha Golaha Shacbka.

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Cabdiraxmaan Sh. Faarax (Beenebeene), ayaa ku amray in Habibo Sheikh Adan Mohamed ay ka mid noqoto Golaha Maamulka Sare ee Hay'adda Istaatiistikada Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban 8 xubnood.

Golahan ayaa dardargelin doona howlaha iyo shaqada baaxadda leh ee horyaalla hay'adda, loona dhammeystiro sharciyadda dhismaha gole maamul sare oo tayo leh, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

Balse dadka Somaaliyeed ayaa dhaleeceyn u jeediyay Guddoomiyaha, iyadoo magacaabistan ay ku soo beegantay xilli musuqmaasuqa uu soo jiitay indhaha shacabka, kaddib markii gabar soomaaliyeed qaab qaraabanimo ah ay uga qeyb qaadatey tartan Shiinaha ka dhacay.

Liiska golahan uu saxiixay Gollaha Wasiiradda ayaa sidan ah:
1. Abdi Ahmed Osman
2. Mohamed Kasim Mohamud
3. Habibo Sheikh Adan Mohamed
4. Omar Ali Mohamed
5. Ahmed Hassan Ismail
6. Guleid Osman Mohamed
7. Cabduraxman Khalid Macow
8. Abdullahi Abdi Nur

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM