Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Image

Laascaanood – Labada Issin ee ugu sarreeya gobollada Sool iyo Sanaag, Garaad Jaamac Garaad Cali iyo Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan, ayaa habeenkii xalay hadallo toos ah uga jeediyey warbaahinta, iyaga oo si cad ugu gacan sayray qorshaha siyaasadeed ee ay wadaan qaar ka tirsan siyaasiyiinta maamulka Khaatumo oo taageero ka helaya Villa Soomaaliya.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka la qorsheynayo in lagu dhisayo maamul goboleedka Khaatumo uu yahay mid qaldan oo aan heshiis lagu aheyn. Wuxuu sheegay in beelaha Warsangeli aan khasab lagu keeni karin shir aysan waxba ka ogayn, isla markaana aan la aqbali karin in la sheegto in lagu matalayo Laascaanood.

Garaadka oo ah garaadka taarikhiyan ugu faca weyn gobolada Sool iyo Cayn, ayaa carrabka ku adkeeyey in 15 sano waxa uu diidayey uusan hadda aqbaleyn taasoo ah in la sheegto walaalaha daga gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Dhankiisa, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo hadalkiisa ku xigay kii Garaadka, ayaa isna si cad u sheegay in aanay jirin cid reer Sanaag matasha oo ka qayb galeysa shirka lagu qabanayo Laascaanood. Wuxuu ugu baaqay dadka reer Sool in ay ixtiraamaan walaalahooda reer Sanaag, kuwaasoo garab taagnaa xilliyadii adkaa ee dib u soo celinta gobolka Sool.

Hadallada labada Issin ayaa loo arkay dhabar-jab culus oo gaaray qaar ka tirsan siyaasiyiinta maamulka Khaatumo iyo Dowladda Federaalka, kuwaasoo ku dadaalayey in si qasab ah gobollada Sanaag iyo Haylaan loogu daro qorshaha maamul-dhiska cusub ee Khaatumo, arrintaas oo ay si adag uga horyimaadeen madaxda dhaqanka ee deegaankaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wajahaysa caqabado badan oo ay ka mid yihiin dagaalka Al-Shabaab, khilaafaad siyaasadeed iyo xilli kala guur ah oo muddo xileedkeedu gabaabsi yahay, ayaa lagu eedeeyey in ay xoog saarayso qorshe siyaasadeed oo aan loo dhameyn islamarkaana uga dan-leedahay in lagu wiiqo midnimada Puntland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM