Soomaaliya : Isbadal lagu sameeyey magaca Guuto ciidan oo abuurey xasaasiyad

Image

Muqdisho ,(GO)- Magaca “Abuu Cubeyda” ayaa saacadihii la soo dhaafay dood kulul ka dhaliyay baraha bulshada, waxaana ka dhashay muran iyo isqab-qabsi kala qeybiyay siyaasiyiinta, xildhibaanada iyo xirfadlayaasha warbaahinta Soomaaliya. Khilaafka ayaa salka ku haya in Guutada 28-aad ee Ciidanka Xooga Dalka lagu magacaabay “Abuu Cubeyda”.

Go'aankan ayaa dhaliyay fikrado iska soo horjeeda, iyadoo mucaaradku ay su'aal galiyeen xulashada magacaan ku xiran hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab, halka muxaafidkuna ay u arkaan tallaabo istiraatiiji ah oo dhanka fakirka lagala dirirayo kooxda.

Dadka dhaliilsan go’aanka magacaabista ayaa ku doodaya in aysan habooneyn in guutadaaas lagu xiriiriyo magacyada horjoogayaal ka tirsan Al-Shabaab. Wariye Sare Cabdirisaaq Terra ayaa si jees-jees ah ula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka codsaday in uusan naftiisa isa siinin magac Saxaabi.

Walaaca Terra ayaa ka tarjumaya dareenka ka dhex jira mucaaradka kuwaas oo aaminsan in aysan waajib ahayn in guutooyinka magac shakhsiyaad loo bixeeyo, taa badalkeeda lagu magacaabi karo magac laga dhadhansanayo sifooyin ama waajibaad ay fulinayaan..

Dhanka kale, muxaafidku waxay taageersan yihiin magacyada Saxaabada loo bixiyey Guutooyinka ciidamada, sida Khaalid bin Al-Walid iyo Abuu Cubeyda.

Sida uu horay u xaqiijiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa leh dhowr waji oo kala ah dgaal toos ah, dhaqaalaha, iyo midka ugu muhiimsan oo ah dhanka fikirka.

Guutooyin ciidan oo loogu magacdaro saxaabada ayaa loo arkaa tallaabo istiraatiji ah oo looga hortagayo fikirka Al-Shabaab oo inta badan si qaldan u fasirtaa diinta. Dawladdu iyadoo adeegsanaysa magacyo macno ruuxi ah xambaarsan, waxay hiigsanaysaa inay xoojiso dagaalka fikriga ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Balse Khilaafka u dhexeeya taageerada maamulkii hore iyo kuwa haatan talada haya ayaa kor u qaaday walaaca ay xeeldheeryaashu ka qabaan in dagaalladan siyaasadeed loo maro midka lagula jiro Al-Shabaab, maadaama ay arrintaas saameyn taban ku yeelan karto dadaalka ay Soomaalidu ku bixinayaan ciribtirka xagjirnimada.

Siyaasiga iyo xildhibaanka ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo arrimahaas ka hadlay ayaa yiri:

“Muddo 15 sano ayey argagexisadu gumayn, silac, dullayn iyo sumcad dil ku hayeen dadkeena, dalkeena iyo diinteenaba.  La dirirkoodu waa muqadas, mana aha mid lagu qaybsamo, la isku hagrado, ama lufluf siyaasadeed laga dhexraadiyo.”

Murankan xambaarsan loolan siyaasadeed ayaa halis gelinayaa in dowladda laga weeciyo abaabulka ku aadan wajigii labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxuuna sii hurinayo kala qeybsanaan siyaasadeed oo hor istaagi karta horumarka la gaaray.

Ra’yi ururin dhawaan ay Growe Online ka samaysay barta X -ee hore Twitter loo yaqiinay- ayaa iftiimisay ra’yiga dadweynaha ee ku aaddan dagaalka afeed ee baraha bulshada isku dhaafsadeen taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii hore ee Farmaajo.

Sahankan ayaa daaha ka qaaday in aqlabiyadda 52.9% ay muujiyeen cabsi ah in khilaafyadani ay waxyeelo u geystaan midnimada qaranka. Tani waxay muujineysaa in shacabku ay ka warqabaan saameynta taban ee isqabqabsiga siyaasadeed ee Soomaaliya uu ku yeelan karo xasiloonida iyo amniga.

Muranka ka dhashay magacaabista Guutada 28-aad ee Abuu Cubeyda ayaa banaanka soo dhigay kala qeybsanaanta siyaasadeed ee ka jirta Soomaaliya. Iyadoo labada dhinacba ay mowqifkooda ku taageerayaan doodo macquul ah, haddana waxaa muhiim ah in madaxda Soomaaliya ay mudnaanta siiyaan la dagaalanka xagjirnimada iyo ka shaqeynta midnimada qaranka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xasan Sheekh oo booqanaya Masar kadib heshiis Abiy Axmed oo ka nixiyay Al-Siisi 

Mawduucyada la filayo in laga wada hadlo waxaa ka mid ah amniga, ganacsiga, iyo siyaasadda isbeddelaysa ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 12:39PM

Safarka Axmed Madoobe ee Kenya oo Khilaafka ka dhex abuuray Xasan Sheekh iyo Xamse

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre sidoo kale wuxuu doonayaa in Safiirka Soomaaliya ee Kenya dalka inuu yimaado loogu yeero.

  • Soomaliya

    21-01-2025

  • 11:32AM