Soomaaliya iyo Azerbaijan oo ku balamay iskaashi dhowr jiho ah

Image
Wasiiradda arrimaha dibadda labadda dal ayaa waxay yeesheen kulan laba geesood ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Azerbaijan Jeyhun Bayramov ayaa kulan ballaaran la qaatay wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Dhinacyada ayaa ka wada hadlay rajada laga qabo xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo kuwa badan. Waxay is dhaafsadeen fikrado ku saabsan hababka looga faa'iidaysan karo fursadaha dhinacyada kala duwan ee iskaashiga, oo ay ku jiraan dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo tamarta.

Waxaa la xusay in guddoomiyenimada COP29 ay tahay mid ka mid ah goobaha waxqabadka muhiimka ah ee Azerbaijan. Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale looga hadlay dib u dhiska gobolka iyo dadaallada nabadeed ee Asarbayjan ka dib colaadda.

“Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Asarbayjaan waa mid si tartiib tartiib ah u soo koraya,” ayuu yiri Fiqi oo ay si wadajir ah shir jaraa’id u qabteen dhigiisa Jeyhun Bayramov.

Wasiir Fiqi oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya iyo Asarbayjaan ay muhiim tahay in ay iska kaashadaan hay’adaha caalamiga ah ee kala duwan oo ay wadaagaan ama kuwada jiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM