Soomaaliya iyo Imaaraadka oo ka arrinsadey fududeynta Fiisaha

Image
Image
Image
Image
Dib-u-bilaabida dhoofka xoolaha Soomaalida ayaa kamid ah qodobada ay isla soo qaadeen.

ABU DHABI, UAE - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Imaaraadka ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Maxamed Bin Raashid Ala-Maktoum.

Sida uu sheegay xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumada xilgaarsiinta, labada mas'uul ayaa kawada xaajoodey arrimo ay kamid tahay "xoojinta xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga labad dal".

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa kulan kooda diiradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha , dhoofka xoolaha Soomaalida ee loo iib geeyo dalka Imaaraadka Carabta ,iyo sida ay lagama maarmaan u tahay sidii dal-kugalka (Fiisooyinka) loogu fududeyn lahaa Soomaalida u safarta dalka Imaaraadka Carabta.

Rooble ayaa dhiggiisa Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid uga mahadceliyay kaalinta Dowladdiisu ay ka geysatay gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Raashid ayuu dhankiisa wuxuu sheegay in dowladdiisu kordhin doonto gargaarka la gaarsiinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Safarka Rooble ayaa yimid kadib markii uu raali-gelin ka bixiyay lacagta $9.6 milyan oo April 2018 looga qabtay Garoonka Muqdisho, isagoo balan-qaadey inuu dib u celin doono.

Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa diidey in lacagtaas la celiyo, inta uu baaritaanka socdo, iyagoo sheegay inay si sharci darro ah dalka kusoo gashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM