Soomaaliya iyo Imaaraadka oo mahad-celin is-dhaafsadey

Image
Image
Mas'uuliyiin sar-sare oo labada dhinac ka kala tirsan ayaa kulan heer sarre ah yeeshay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la yeeshay Dhaxal sugaha Abu Dhabi ahna Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida ee Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zaayid Ala Nahyaan.

"Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Sheikh Zaayid ayaa diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah," ayay xukuumadda ku xiray war qoraal ah.

Rooble ayaa "uga mahadceliyay Sheikh Maxamed Bin Zaayid  iyo Shacabka Imaaraadka Carabta soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa iyo sidoo kale doorka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, gaar ahaan gurmadkii ay la soo gaareen Shacabka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay".

Bin Zayid ayaa "dhankiisa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay mowqifkii Xukuumadda Soomaaliya ay ku cambaareysay weerarradii argagixiso ee maleeshiyaadka Xuutiyiintu la beegsadeen goobo ku yaalla Imaaraadka Carabta".

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Dhaxal sugaha Abu Dhabi Sheikh Maxamed Bin Zayid ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya guud ahaan gobolka iyo xiriirka labad dal.

Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta, waxaa Ra’iisul Wasaaraha kala qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM